Borama News Network

Kuuriyada Woqooyi oo ridday gantaalkii ugu horreeyay muddo laba bilood ah Gantaalka ayaa ku socday xawaare gaaraya 1,100km ka hor inta uusan ku dhicin badda

Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday wax u muuqda gantaal ballistic ah oo riddada dhexe ah oo ay u gantay badda dhanka bari, sida ay sheegeen milatariga Kuuriyada Koonfureed, waana gantaalkii ugu horreeyay ee Pyongyang ay riddo muddo laba bilood ah.

Gantaalka ayaa ku socday xawaare gaaraya 1,100km ka hor inta uusan ku dhicin badda, militariga ayaa sheegay in ay “si adag u cambaareynayaan” falkan “daandaansiga cad ah”.

Daahfurka qorshahan ayaa ku soo beegmaya xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu booqasho ku tagay magaalada Seoul si uu wadahadal ula yeesho qaar ka mid ah hogaamiyayaasha muhiimka ah ee Kuuriyada Koonfureed.

Horey Blinken wuxuu ula kulmay ku simaha madaxweynaha Choi Sang-mok, halkaas oo uu ku tilmaamay isbahaysiga Washington iyo Seoul inuu yahay “dhagaxa nabadda iyo xasilloonida gacanka Kuuriya”.

Milateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in ay xoojiyeen la socodka gantaallada mustaqbalka ee Kuuriyada Waqooyi, ayna si dhow ula wadaagayaan macluumaadka ku saabsan gantaallada maanta la riday Mareykanka iyo Japan.

Related posts

“Anigu maalina Xamar uma cararo, maalina Hargaysa, wan dilayaa cida tidhina..” Xil Maxamed Abiib

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Laga Filan Karaa Shirka Aan Caadiga Ahayn Ee IGAD Kuna Saabsan Xiisadda Itoobiya Iyo Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaam Barkhadow Labo Kala Daa In Aad Gacanta Ku Horayso Dhakhtarkana Ku Horayso” Masuul Ka Tirsan Xisbiga Ucid

Abdiaziz Bnnstaff