Borama News Network

Sida Facebook Iyo TikTok Khatar u Gelin Karaan Soonkaaga, Iyo Waxyaabaha Ay Tahay In Aad Ka Fogaatid

Tobankii sano ee u dambeeyay dunidu way isbedeshay, gaar ahaan dhinaca farsamada, waxaana wakhtigan horumarkani keenay in inta badan dadka dunida ku nool ay helaan moobil casri ah oo lagu adeegsado internet-ka.

Waxay tani horseeday, dunida maanta uu isticmaalka baraha bulshada noqdo qayb ka mid ah nolol maalmeedka. Baraha bulshadu ku wada xiriirto ayaa noqday waxyaalaha aynu ku samayno hawlo badan oo nolosha ah iyo nooca adeegsigu nolosheena saameeya.

Saamaynta ay goobahaasi ku leeyihiin nolosheenna awgeed, waxa loo baahan yahay in la go’aamiyo sida looga faa’iidaysan karo soonka Ramadaanta si looga fogaado caasinnimada Ilaahay iyo dembiyada waxyeeleyn kara soonkeenna.
Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan, waa Imaamka masjidka Cumar Bin Khadaab ee Muqdisho. Waxa uu BBC Somali u faahfaahiyay siyaabaha ay tahay in dadka muslimiinta ah ee isticmaala baraha bulshada inay u dhaqmaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.
Sheekh Cabdixayi waxa uu sheegay in micnaha soonka uu yahay in laga fogaado wax kasta oo qofka u horseedaya gaf iyo aflagaado.

“Xitaa haddii qofka is xajin jiray ka hor inta uusan soomin, waa in uu ku dadaalaa xilliga soonka si uusan ugu dhicin fitno, balaayo ama dembi,” ayuu yiri Sheekh Cabdixayi.

Waxyaalaha uu Sheekh Cabdixayi ku taliyay inay dadka Soomaalida ee sooman iska ilaaliyaan waxaa ka mid ah.

• Daawashada muusiga iyo qoob ka ciyaarka
• Fiirinta qaawanaanta dumarka
• Samaynta faallooyin aan faa’iido lahayn
• Faafinta iyo daabacaada war been abuur ah
• Daawashada filimada iyo sawirada
Sheekh Cabdixayi waxa uu yiri “Waa nasiib darro haddii aad Youtube-ka gasho oo aad aragto waxyaabo lagu dembaabi karo, qofka muslimka ah ee sooman yaanu daawan waxaas.”

“Waxyaabaha lagu sameeyo TikTok, waa inaan ka taxadarnaa, waxyaabaha qaar xitaa haddii aad aragto, waxaa khatar ah inay baabi’iso ajarkaaga soonka,” ayuu yiri Sheekh Cabdixayi, Imaamka Masjidka Cumar bin khadaab.
Waxa uu sheegay in dadka sooman ay ka fogaadaan adeegsiga TikTok,Instagram-ka iyo Youtube-ka hadii aysan u adeegsanaynin wax diin ahaan anfacaya ama waxbarasho,hadii ay rabaanna in soonka uu u hagaagsanaado.

Sheekh Cabdixayi waxa uu sheegay in soonku uusan ahayn afka oo la xakameeyo iyo cuntada oo laga dhowrsado oo keliya, laakiin in sidoo kale loo baahan yahay la dhowro dhegaha, indhaha, sanka si la mid ah cunista, cabbitaanka iyo la macaamilka waxyaabaha xaaraanta ah.

Waxa uu dadku sooman kula taliyay inay ku dedaalaan akhrinta Qur’aanka iyo dhegeysiga taraawiixda, tahajudka, iyo inay ducada bartaan oo ay si wanaagsan uga faa’iideystaan telfoonada gacanta iyo internetka ay isticmaalaan.

“Haddii arrimahan la sameeyo, waxay gacan ka geysan doonaan ilaalinta soonkaaga iyo ka fogaashiyaha danuunta,” ayuu yiri Sheekh Cabdixayi.

Maxaa la sameeyaa si aad ajar badan uga hesho baraha bulshada xilliga soonka
Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan ayaa sheegay in barahan casriga ah ee isgaarsiineed ay waqti ku luminayaan dadka muslimiinta ah oo laga hor istaagayo akhrinta Qur’aanka kariimka, digriga iyo ducada iyo dhageysiga muxaadarooyinka.

Sidaas darteed ayuu sheegay in ay jiraan waxyaabo ay waajib tahay in dadka muslimiinta ah ay sameeyaan ama ay faafiyaan xilliga soonka si ay ajar badan u helaan bisha barakeysan. Waxyaalaha uu Sheekhu sheegay in ay dadka muslimiinta ahi ku badan yihiin xilliga soonka waxa ka mid ah.

• Faafi tafsiir Qur’aanka: Wuxuu yiri meel kasta oo tafsiir lagu sameeyo dadka waa in ay u gudbiyaan muslimiinta kale.

• Faafi akhrinta Qur’aanka: Wuxuu sheegay in Muslimiintu ay inta badan u diraan qaraabadooda si ay u akhriyaan ama u akhriyaan bogagga Al-Qur’aanka.

• Daawo oo sii faafi waxyaalaha wanaagsan, kana fogow daawashada waxyaabaha xun xun

Imaamka Masjidka Cumar Bin Khadaab ayaa sheegay in sidoo kale saxaafadu ay ku leedahay kaalinteeda xiliyada soonka, gaar ahaan in ay culimada ugu yeeraan in ay khudbad ama fatwo ka jeediyaan wax yaabaha soonka afura, ajarka soonkana badiya, isaga oo sheegay in ay fadliga badan leeyihiin.

Oogidda salaadaha Taraawiixda iyo Tahajudka, iyo barnaamijyo ka hadlaya muhimadda ay leedahay quudinta iyo u gargaaridda masaakiinta.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladaha lagu dhiiri-galiyo inay dadka u fududayso iyo siyaabaha ay ganacsatadu u horumarin lahaayeen ganacsigooda, isla markaana ay u fududayn lahaayeen dadka danyarta ah iibsiga, isagoo ugu baaqay dadka wax haysta inay u gurmadaan dadka tabaalaysan iyo kuwa kale.

 

Related posts

Maraykanka Oo Dalbaday Kulan Gaar Ah Oo Uu La Yeesho Wasiirka Difaaca Isreal

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxweyne Biixi Waxanu Ku Heshiinay In Doorashadu Wakhtigeedi Ku Dhacdo….Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in Dowladda ay xoogga saartay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Abdiaziz Bnnstaff