Borama News Network

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in Dowladda ay xoogga saartay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Dowladdu ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka si gacanta loogu dhigo deegaannada ay weli joogaan.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ujeedka ciidanku uu yahay ka gungaarista waxa ay u dhaartayn oo ah in ay difaacaan Dalkooda, Dadkooda & Diintooda sidaas awgeed lagu gaari karo wadajir iyo iskaashiga ciidamada & Shacabka.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in tababarrada ciidamada Dowladda Federaalka ay bixinayso ay ku arkeen Dhallinyaro heegan u ah kana go’an in ay difaacaan Dalkooda si lamid ah halyeeyadii ka shaqeeyay halgankii xorriyadda Dalka.

“Halgankaan qiimaha badan ay ciidamadu ku jiraan oo ay qayb ka yihiin ciidanka Daraawiishta iyo Macawiislayda waa in la difaaca Diinta, Sharafka & karamkooda, Dad badan ayaa u dhintay halgankaan waxaa nalaga rabaa inta uu qof naga nool yahay in aan xaqiijiyo hadafkaas” Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaraysa dib u abaabulka howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee horay uga billowday Gobollada Dalka balse maalmihii lasoo dhaafay hakad kooban uu galay waana tan keentay in Dad badan Su’aalo ka keenaan.

Related posts

Somaliland Oo u Jawaabtay Ilhaan Cumar Oo Ka Hadashay Heshiiskii is-Afgarad Ee Badda

Abdiaziz Bnnstaff

Cajiib ! Labo Wiil Iyo Hooyadood Oo Tooray Ku Dilay Aabihii Qoyska Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Siday Wax U Dheceen

Abdiaziz Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Tukaamada Gacacsiga Ee Xaafada Islii Ee Magaalada Nairopi Oo Xidhan Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff