Borama News Network

Qaar Ka Mid Ah Tukaamada Gacacsiga Ee Xaafada Islii Ee Magaalada Nairopi Oo Xidhan Iyo Sababta

Dukaamada lagu iibiyo cuntooyinka ee xaafadda Islii ayaa saaka xiran kadib markii la sheegay in ay xaafadda yimaadeen ciidamo doonaya in ay baaritaan ku sameeyaan dukaamadda.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu bartilmaameedsanayaan dukaamada lagu iibiyo caanaha budada ah ee loo yaqaanno Caano-booro oo ay ku sheegeen in shaci darro ay ku tahay ganacsatada.

Qof ka mid ah ganacsatada raashinka iibiya ee xaafadda Islii ayaa noo sheegay in xildhibaanka degmada Kamakunji oo Islii ay ka mid tahay Yuusuf Xasan Cabdi uu ku wargeliyay ganacsatada in ay xiraan dukaamadoodaa ilaa inta uu isagu uga imaanayo.

Maalmo ka hor ciidamada Kenya ayaa howgallo lagu beegsaday baqaarro iyo dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ka sameeyay isla xaafadda.

Ciidamadu waxay sheegeen in dukaamada iyo goobaha kale ee ay howlgallada ka sameeyeen lagu iibiyo waxyaabo sharci darro ah oo caano-booruhu ka mid yahay.

Balse arrintaa waxaa beeniyay xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo wasaaradda amniga iyo guudahaan laamaha ammaanka Kenya ka dalbaday in tillaabadaan ay jawaab ka bixiyaan.

Related posts

khatar Ka Jirta Koonfurta Lubnaan.

Abdiaziz Bnnstaff

Webiga Shabeelle Oo Laga Cabsi Qabo In Uu Ku Fataho Baladweyne Iyo Digniin Loo Diray Dadka Degen Agagaarka Wabiga

Abdiaziz Bnnstaff

Baarlamaanka Dowlada Somaliya Oo Ansixiyay Qaraar Sharci Daro Ka Dhigaya Heshiiskii Dowlada Itoobiya Iyo Somaliland Dhex Maray

Abdiaziz Bnnstaff