Borama News Network

khatar Ka Jirta Koonfurta Lubnaan.

Warbixin uu siiyay xafiiska Blair, xoghayihiisa gaarka ah ee Straw, Cara Owen, ayaa lagu yiri: “Waa inaan ku cadaadinnaa Xariiri inuu ka shaqeeyo hadafkan, oo ah in ciidamada Lubnaan ay beddelaan xoogagga Xisbullaah ee ku sugan xadka.”

“Waa in aan u soo jeedinnaa Xariiri, dareenka iyo sameeynta ku imaan doonta xariirka dalka Lubnaan iyo reer galbeedka haddii ururka Xisbullaah, oo hoggaankiisu uu joogo Lubnaan, uu weeraro bartilmaameedyada reer galbeedka ay leeyihiin” ayaa lagu yiri qoraalka .

Waqtigaas waddamada reer galbeedka waxay si firfircoon ugu mashquulsanaayeen Golaha Jihaadka,oo ah garabka militariga iyo amniga ee Xisbullah, iyadoo la eegayo xiisadda ka dhex aloosanayda Xisbullaah iyo Israa’iil, taas oo ilaa hadda ka jirta deegaannada koonfurta Lubnaan.

Waxaa la go’aamiyay in mid ka mid ah yoolalka kulanka Blair iyo Xariiri uu ahaado “in lagu booriyo” hoggaamiyaha Lubnaan “inuu isticmaalo saameyntiisa si uu ugu dhiirigeliyo Xisbullah inuu xiro garabka militariga oo uu diiradda saaro siyaasadda.”

Sidda dukumiintiyada sir ah ee laga helay Ingiriiska ayaa muujiyeen waxaa jirtay cabsi laga qabo in kooxda Xisbullah ay weerarto bartilmaameedyada reer galbeedka.

Xafiiska Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka xilligaasi ayaa yiri“Waxaan rumeysannahay in garabka argagixiso ee Xisbullah, gaar ahan ururka ammaanka dibadda ee (Golaha Jihadi), uu leeyahay qorshooyin deg-deg ah oo uu ku weerarayo danaha reer galbeedka, haddii ay dhacdo in ay dareemaan in lagu soo duulay, ama ay rumeysan yihiin inay soo food saartay khatar jirta. “

Bishii Jannaayo 2020 ay dowladda Ingiriiska ayaa ururka Xisbullah ku dartay liiska ururada argagixisada, taas oo macnaheedu yahay in ay dambi tahay la macaamilkooda, qaadashada fikradahooda, kor u qaadida halku-dhiggooda,ama in wax dhaqaale ah loogu deeqo.

Tan iyo horraantii 2003-dii, laamaha ammaanka ee Lubnaan waxay ku hawlanaayeen sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxaha “argagixisada”bishii Luulyo ee isla sannadkaas, booliiska Lubnaan ayaa gacan ku dhigay kooxo ka kooban 5 xubnood oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen weerar lagu qaado bartilmaameedyada reer galbeedka ee Lubnaan.

Warbixin qiimeyn ah oo ay sii daysay safaaradda Ingiriiska ee dalka lubnaan ayaa lagu sheegay in Lubnaan aysan door weyn ku lahyen la-dagaallanka kooxaha argagixisada,” iyo in ay “naadir tahay” hawlgal laga fulinayo oo ay ka qayb qaadanayaan hay’adaha kala duwan.

Mar ra’iisul wasaarihii hore ee Lubnaan Xariiri uu booqasho ku tagay magalada London safaaraddu waxay kula talisay inuu u muujiyo rabitaanka UK ee ah la helo “kaalinta Lubnaan ee dagaallka lagula jiro argagixisada.”

Staffan de Mistura, oo aha ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, ayaa codsaday in Lubnaan la saaro cadaadiska heerarka ugu sarreeya, si looga hortago xiisadda militari ee ka jirta xadka u dhexeeya Israai’iil iyo Lubnaan.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Heshiis La Gashay Maamul Goboleedka Puntland Iyo Nuuca Uu Yahay Heshiiskaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Dalka Dibadiisa Caafimaad Ugu Dirtay Dhaawacyadii Weerarkii Syl

Abdiaziz Bnnstaff

Haayada Sirdoonka Somaliya Ee Nisa Oo Weerar Culus Ku Qaaday Baraha Bulshada Ee Ay Isticmaalan AS Digniina U Dirtay Shacabka

Abdiaziz Bnnstaff