Borama News Network

Maxay yihiin dukumiintiyada sirta ah ee dowladda Ingiriiska hadda shaacisy ee ku saabsan Xisbullah iyo Bariga Dhexe?

Dukumiintiyo sir ah oo hadda laga helay Ingiriiska ayaa muujinaya in xukuumaddii ra’iisul wasaarahii hore ee Boqortooyada UK Tony Blair ay 20 sano ka hor dajisay qorshe la doonayay in lagu kala diro garabka milatari ee Xisbullaah, taas oo ahayd hadafka dalalka Maraykanka iyo UK.

Hirgalinta qorshahaan waxaa ay doonaysay dowladda Ingiriiska in uu kala shaqeeyo ra’iisul wasaarahii hore ee Lubnaan Rafik Xariri.

Sida laga soo xigtay dukumeentiyada oo dhawaan la shaaciyay, Ingiriiska ayaa wadahadal qarsoodi ah oo “miro dhal ah ” la qaatay Xisbullah, waxaana uu ka codsaday in Xisbullaah ay ka shaqeyso siyaasadda oo kali ah balse arrintaas waa uu ku guuldarreysatay in uu ku qanciyo.

Horraantii bishii Luulyo 2003, Tony Blair wuxuu ku casuumay Xariiri inuu booqasho ku tago London ka dib wadahadallo socday muddo bil ah oo dhexmaray ra’iisul wxilligas Boqortooyada UK iyo Mmadaxweynahii Faransiiska Jacques Chirac.

Madaxweynahii Faransiiska waqtigaas Jacques Chirac ayaa ku tilmaamay Xariiri inuu yahay “nin aragti dheer” iyo “falanqeeye caqli badan marka laga hadlayo hannaanka geeddi-socodka nabadda, gaar ahaan marka la eego fikirka (hoggaamiyaha Falastiin Yaasir) Carafaat,” isagoo kula taliyay Blair inuu dhageysto isaga, sida dukumentiyada Ra’iisul Wasaarahii Ingiriiska ay muujinayaan.

Ingiriiska iyo Maraykanku waxay xilligaasi raadinayeen iyagoo kaashanaya Israa’iil, si ay uga dhaadhiciyaan Yaasir Carafaat in lagama maarmaan ay tahay in uu la shaqayeeyo Maxamuud Cabaas oo markaasi laga dhigay ra’iisul wasaare leh awood ballaaran.

Inkasta oo Tony Blair uu Xariiri ku casumay in uu booqdo (10 Downing Street) oo ah xarunta dawladda Ingiriiska, haddana qiimaynta wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriisku waxay shaki galisay in Xariiri uu leeyahay “aragti gaar ah oo ku sabaasan Carafaat.”

Sidaas oo jirta haddan wasaaradda arrimaha Ddibadda ayaa soo jeedisay in “Xariiri uu mudan tahay in la dhegeysto sababtoo ah wuxuu si qoto dheer ugu lug leeyahay siyaasadda gobolka, isla mar ahaantaana, waxaa uu lahaa hanti oo gobolka oo dhan “.

Wasaaradda arrimaha dibadda waxaa kale oo ay tilmaantay in muhiim tahay in la baaro xariirka mustaqbalka xariirka madaxweynaha Suuriya Bishaar Al asad iyo Xariiri.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sidoo kale ku raacday la-taliyayaasha Tony Blair baahida loo qabo in laga faa’iidaysto Xariiri “si loo go’aamiyo waxa Boqortooyada Ingiriisku ka rabto Lubnaan.” Xafiisyada Blair iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Jack Straw ayaa diiradda saaray arrimaha ku saabsan siyaabaha loola macaamili karo Xisbullah.

Related posts

Golaha wasiirada Somaliya o Mar Kale War Cusub Kaso Saaray Heshiiska Somaliland iyo itoobiya.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Ka Qayb Galaya Shir Uu Joogo Abiy Ahmed

Abdiaziz Bnnstaff

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta wadajirka & madaxbannaanideeda

Abdiaziz Bnnstaff