Borama News Network

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta wadajirka & madaxbannaanideeda

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Itoobiya ay si bareer ah ugu xad-gudubtay Dalka isla markaana meel ay iska dhigtay Shuruucda Caalamiga ah si ay u gaarto damaceeda gurracan ee Badda ay ku raadinayso.

Tallaabada Xukuumadda Abiy Ahmed ay ku shaacisay heshiiskii dhaawaca ku ahaa wadajirka iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Saalax Axmed Jaamac ku sifeeyay mid bogga madoow u galay Dowladda Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu shaaciyay in ay qaadday tallaabooyin dhowr ah oo ay uga dhiidhinayso damacaas gurracan si Itoobiya looga hor istaago qorshaha xiga oo ay samayn karto kaddib markii 1dii Janaayo 2024 ay soo bandhigtay heshiiska ay galashay Somaliland.

Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in marka dhinac weliba laga eego aanay dhici Karin heshiiskaas maadaama Somaliland ama Gobollada Waqooyi ay yihiin qayb kamid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waraysi uu siiyay Teleefishinka Aljazeera ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac dhinaca uga xog-warramay dedaallada ay wado Dowladda Federaalka sida ay soosaartay baaqyo kala duwan, ashtako loo gudbiyay Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Afrika & Dalka waxaana intaas usii dheer in madal weliba Dowladdu ka sheegtay xadgudubkaas.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celceliyay in aanay suuragal noqon doonin heshiiska Xukuumadda Abiy Ahmed shaacisay billowgii sanadkaan 2024 waxaana ay dalbatay in Addis Ababa ay dib u laqdo damaceeda gurracan oo aan socon doonin.

Related posts

Goobaha Waxbarashada ee Muqdisho oo loo Xiray ka Dhiidhinta Dilkii Dhowaan loo Gaystay Macallin Cabdiraxmaan Macalloow Abiikar

Abdiaziz Bnnstaff

“Oofwareen Waa Nin Mujaahida, Jabkii Ciidanka Deegaankayga Sool Iyo Faysal…” Janaraal Caare Oo Hargaysa Ka Soo Dhex Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Biden Ma Waxa Uu Ku Ciyaarayaa Dab Mase Waxa Uu Qarka u Saaranyahay Kicinta Dagaalka Saddexaad Ee Dunida

Abdiaziz Bnnstaff