Borama News Network

Goobaha Waxbarashada ee Muqdisho oo loo Xiray ka Dhiidhinta Dilkii Dhowaan loo Gaystay Macallin Cabdiraxmaan Macalloow Abiikar

Waxaa maanta xiray Goobaha Waxbarashada ee Magaalada Muqdisho kaddib markii bahda Waxbarashu ay ku dhawaaqeen in ay xirnaanayaan muddo 3 cisho ah oo ka billaabanaysa sabtida maanta ah 17ka Febaraayo 2024 ilaa 19ka Febaraayo 2024.

Bahda Waxbarashada ee Gobolka Banaadir ayaa sababta ay shaqo joojinta u samaynayaan ay tahay garab istaag ay u muujinayaan Allaha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macalloow Abiikar oo lagu dhex dilay goobtiisa Waxbarashada.

Jaamacadaha & Iskuullada Magaalada Muqdisho ayaa la xiray maanta, Bahda Waxbarashadu waxa ay go’aankooda daba-dhigeen baaq ku saabsan in ay caddaaladda u doonayaan macallinka la dilay isaga oo ku howlan waxbarista Arday Soomaaliyeed.

Dowladda ayay ka dalbadeen in si gaar ah indhaha ula raacdo dhacdadaan si ay badqab u helaan macallimiinta Soomaaliyeed ee usoo dhabar-adeegay sidii ay ula dagaalami lahaayeen jahliga isla markaana wax loo bari lahaa Ardayda.

Maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan oo ah 20ka Febaraayo 2024 ayaa dib loo furi doonnaa goobaha Waxbarashada ee Magaalada Muqdisho, bareyaashu waxa ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in la dhowro mudnaanta macallimiintu leeyihiin.

Related posts

Madaxwaynaha Dalka Ruushka Oo Ku Hanjabay In Uu Adeegsan Doono Hubka Wax Gumaada Ee Nukliyeerka

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Fadaraalka Somaliya Oo Soo Dhawaysay Go’aanka Golaha Ammaanka Iyo Nabadda Midowga Afrika

Abdiaziz Bnnstaff

Ridwan Xuseen: Waa kuma Ninkan Loo Magacabay Taliyaha Sirdoonka Garanka Itoobiya Ee Soomaaliya Aadka Uga Hadla

Abdiaziz Bnnstaff