Borama News Network

Maxkamadda Cadaaladda oo Diiday Codsigii Koonfur Afrika Ee ku Aadanaa Waxa Ay Ugu Yeedhay Xasuuqa Qasa.

Waxaa maanta xiray Goobaha Waxbarashada ee Magaalada Muqdisho kaddib markii bahda Waxbarashu ay ku dhawaaqeen in ay xirnaanayaan muddo 3 cisho ah oo ka billaabanaysa sabtida maanta ah 17ka Febaraayo 2024 ilaa 19ka Febaraayo 2024.

Bahda Waxbarashada ee Gobolka Banaadir ayaa sababta ay shaqo joojinta u samaynayaan ay tahay garab istaag ay u muujinayaan Allaha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macalloow Abiikar oo lagu dhex dilay goobtiisa Waxbarashada.

Jaamacadaha & Iskuullada Magaalada Muqdisho ayaa la xiray maanta, Bahda Waxbarashadu waxa ay go’aankooda daba-dhigeen baaq ku saabsan in ay caddaaladda u doonayaan macallinka la dilay isaga oo ku howlan waxbarista Arday Soomaaliyeed.

Dowladda ayay ka dalbadeen in si gaar ah indhaha ula raacdo dhacdadaan si ay badqab u helaan macallimiinta Soomaaliyeed ee usoo dhabar-adeegay sidii ay ula dagaalami lahaayeen jahliga isla markaana wax loo bari lahaa Ardayda.

Maalinta Isniinta ah ee todobaadkaan oo ah 20ka Febaraayo 2024 ayaa dib loo furi doonnaa goobaha Waxbarashada ee Magaalada Muqdisho, bareyaashu waxa ay hoosta kJimcihii, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa diidday codsigii degdegga ahaa ee Koonfur Afrika , kaas oo ahaa in cadaadis sharci oo dheeraad ah lagu saaro Israa’iil si ay u joojiso hawlgalka millatari ee suurtagalka ah ee magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Qasa.

Maxkamaddu waxay xaqiijisay in “Israa’iil ay weli ku qasban tahay in ay u hoggaansanto Axdiga Xasuuqa, oo ay ku jirto xaqiijinta ammaanka Falastiiniyiinta ee Qasa.”

Maxkamadda cadaaladda ayaa xustay in xiisadihii ugu dambeeyay ee Marinka Qasa iyo Rafax ay si weyn u kordhin doonaan waxa horay loogu yeeray “musiibada bani’aadamnimada.”

Waxay intaa ku dartay, “Xaaladdan naxdinta leh waxay u baahan tahay in si degdeg ah oo wax ku ool ah loo fuliyo tallaabooyinka ay maxkamaddu soo saartay 26-kii Janaayo, oo ay ku jiraan dhammaan qaybaha Marinka Qasa, oo ay ku jirto Rafax, si aan loogu baahan in lagu dhawaaqo tallaabooyin dheeraad ah.”

Talaadadii, Koonfur Afrika waxay ku dhawaaqday in ay u gudbisay “codsi degdeg ah” Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda si ay uga fiirsato in hawlgallada milatari ee Israa’iil ay ku beegsanayaan magaalada Rafax ay jebinayaan amarradii ku meel gaadhka ahaa ee ay maxkamaddu soo saartay bishii hore ee eedaha xasuuqa.

Maalintii Khamiista, Israa’iil ayaa ku boorisay maxkamadda in ay diido waxa ay ugu yeertay codsiga Koonfur Afrika ee “aaqiil la’aanta ah”.

Bishii hore, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa ku amartay Israa’iil in ay qaaddo dhammaan tillaabooyinka ay kaga hortagayso in ay ciidamadeeda xasuuq ka geystaan Marinka Qasa, taasoo qayb ka ah dacwadda ay gudbisay Koonfur Afrika.a xariiqeen in loo baahan yahay in la dhowro mudnaanta macallimiintu leeyihiin.

Related posts

Madaxwayihii Hore Ee Maraykanka Oo Lagu Amray Bixinta Lacag Dhan 454 Milyan Oo Damaanad Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Dabley Hubaysan Oo Waqooyinka Magaalada Gaalkacyo Ku Dishay Ganacsade Caan Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg:- Waftigii Itoobiya Ka Ahaa Oo Ka Soo Degay Magaalada Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff