Borama News Network

Dabley Hubaysan Oo Waqooyinka Magaalada Gaalkacyo Ku Dishay Ganacsade Caan Ah

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee dowlad gobaleedka Puntland ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu dilay nin ganacsade ah oo aad looga yaqaan magaalada.

Dilka ayaa waxaa gaystay Dabley hubaysan oo aan weli haybtooda la aqoonsan, iyaga oo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay Alle ha u naxariistee marxuum Axmed Tahliil oo kamid ahaa ganacsatada magaalada, kaas oo la sheegay in muddo uu halkaas ku ganacsanayey .

Wararka naga soo gaaray magaalada ayaa tibaaxaya in kooxda hubaysan ay ganacsade Axmed Tahliil ku dhex dishay goobtiisa ganacsi oo ku taalla halka loo yaqaan Jiiro Cabdullaahi Yuusuf.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa u xaqiijiyey in kooxda dilka fulisay kuwaas oo watay gaari ay durbadiiba goobta isaga baxsadeen, iyaga oo aan lagu guulaysan soo qabashadooda.

Laamaha Amniga oo gaaray goobta uu ka dhacay dilka illaa hadda kama aysan hadlin dilkaan, waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaan, ayna ku raadjoogaan dablayda dilka gaysatay, waxa ay sheegeen in gadaal ka soo saari doonaan warbixinta oo dhameestiran.

Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa laga dareemayay nabad, iyada oo dadka deegaanka dhaxda u xirteen sidii magaalada nabad loogu soo dabaalihii, ka dib sannado ay magaalada marti galisay dilka loo gaystay dadka haldoorka ka ah magaalada.

Related posts

Maxkamada ICJ Oo Maanta Ku Dhawaaqaysa Go’aanka Dacwadda Ay u Gudbisay Koofur Afrika Ee Ka Dhanka Ah Israaiil.

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Axmed Fiqi: “Qaraxa wuu yaraanayaa haddii lagu soo celceliyo tartamaya Cayaaraha”.

Abdiaziz Bnnstaff

Maamulka Gobolka Gabilay Ayaa Si Adag Uga Jawaabay Hadalo Ka Soo Yeeshay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani

Abdiaziz Bnnstaff