Borama News Network

Wasiir Axmed Fiqi: “Qaraxa wuu yaraanayaa haddii lagu soo celceliyo tartamaya Cayaaraha”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Dowladda ay xoogga saareen dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ isaga oo ku baaqay in guud ahaan laga qaybgalo.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in dhabbaha keliya lagu gaari karo is dhexgalka Bulshada sida in la qabto tartama cayaaraha uu yahay in xoogga la saaro dhinaca Amniga oo laf-dhabar u ah in Dadku isugu tagaan goobaha loo asteeyay.

Dhinac weliba ayuu usoo jeediyay in uu doorkiisa ka qaato adkaynta nabadgalyada oo ah halka laga qiimeeyo ama laga eego dal weliba, sidoo kale waxa uu sheegay in la’aanta nabadgalyada aanay suuragal noqon Karin waxyaabo badan oo loo baahan yahay.

Kusoo celcelinta Cayaaraha ayuu ku sifeeyay in ay meesha ka saarayaan qaraxyada isla markaana Dhallinyarada ay ka helayaan baraarug fiican oo ka weecinaya in ay ka qayb noqdaan khalalaasaha waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallin Fiqi.

“Dalka Qaraxu wuu yaraanayaa, dhibaatadu way yaraanaysaa, wax badan yaa yaraanaya haddii lagu soo celceliyo tartamaya cayaaraha, Isboortisku in uu leeyahay nafis fiican dad badan ayaa qiray” Ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS.

Xulka Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa ku guulaystay koobka Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir 2023 ee lagu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana sanadkaan ka maqnaa Dowlad-Goboleedka Puntland.

Related posts

Muslimiinta dunida maanta farxad ayay ciidayaan, marka laga reebo kuwan oo ciiddu ay gelisay murugo hor leh

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Xamse”Madaxweynaha Ayaa Wax Dhan Iska Heysta Dadka Dhahaayo Waa Beentood”

Abdiaziz Bnnstaff

“Go’aanka Ay Maxkamadu Ay Maanta Gaadhay Waan Fileynay Gabadheenana Jimacaha Ayaan Aasaynaa” Ehelada Marxuumada Luul Cabdicasiis

Abdiaziz Bnnstaff