Borama News Network

Muslimiinta dunida maanta farxad ayay ciidayaan, marka laga reebo kuwan oo ciiddu ay gelisay murugo hor leh

“Ciiddani ma noqon doonto sida Ciidihii kale, sababtoo ah dagaalka Qasa, iyo sidoo kale in aan weynay dadkeena,” ayay tiri gabadha 11-jirka ah ee reer Falastiin, Layan, oo ku nool mid ka mid ah xeryaha barakaca, ee magaalada Rafax, oo ku taal koonfurta Marinka Qasa.

Ciidul Fidriga ayaa sanadkan waxa ay kusoo beegantay iyadoo xaalad murugo ah ay ku suganyihiin kumanaan caruur ah oo ku nool Marinka Qasa, gaar ahaan kuwa qoysaskooda ku waayay dagaallada ka socda Qasa oo socday muddo 6 bilood ah.

Layan iyo walaasheed ka yar, Siwar, oo da’deedu tahay hal sano iyo bar, waxay waalidkood iyo shan walaalahood ah ku waayeenQasa gaar ahaan qaraxii lala beegsaday cisbitaalka Al-Ahly Baptist bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

35 qof oo qoyskooda ka tirsan ayaa la dilay maalintaas, kadib markii isbitaalka Al-Ahly Baptist uu hoy u noqday, iyaga oo ka baxsanayay duqeynta ba’an ee ka dhacday xaafadaha ay ay ku noolaayeen ee magaalada Qasa.
“Ma ahayn nus saac tan iyo markii aan nimid isbitaalka, laba gantaal ayaa nagu soo dhacay. Waan toosay oo waxaan arkay qof walba oo cadcad noqday,” Layan ayaa dib u xasuusatay wixii dhacay.

Boqollaal qof ayaa lagu dilay isbitaalkaas, oo ay buux dhaafiyeen boqollaal bukaanno iyo qoysas ah, kuwaas oo ka galay duqeymaha rabshadaha wata ee ka socda waqooyiga Qasa, dhacdadaas oo Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Islamic Jihaad ay is dhaafsadeen eedeymo mas’uuliyadeed.

Layan iyo walaasheed waxay la nool yihiin afar wiil oo ay ilmo adeer ahaayeen oo ka badbaaday qaraxa, waxaana xannaaneeya ina adeerkood Cali, waxayna ku nool yihiin mid ka mid ah xerooyinka ku yaal koonfurta marinka Qasa, halkaasoo ay degeen kadib safar dheer oo ay uga soo barakaceen waqooyiga.
Dagaalka ka hor, Layan waxay raaci jirtay waalidkeed si ay u soo iibsadaan dhar cusub oo ay ku ciidaan, soo iibsadaan oo u diyaariyaan keega ciidda, iyo booqashooyin ay ku dhaafsadaan qoyskeeda.

Dagaalku waxa uu meesha ka saaray jawigii farxadda ee ay Layaan, waxaanay tiri “Ma jiro qof aan isla faraxno sanadkan waayo way dhinteen”.

Ciiddu waxay u taagan tahay isu imaatinka qoyska, waxaana si gaar ah loo diyaariyey cunto loogu dabbaaldegayo munaasabaddan, iyadoo ay ay haatan Meesha ka maqanyihiin dad badan saameyntii duqeynta awgeed, kaliya waxaa haray dadkii ku agoontoobay dagaalka.

Riyo soo noqosho
Sida Layan oo kale, Maxamuud oo 14 jir ah ayaa isla qaraxaas ku waayey waalidkiis iyo walaalihiis, waxaana nool oo keliya walaalkiis ka weyn Cali.

“Ciidda ma laha dhadhan, xitaa boqolkiiba hal,” ayuu yiri Maxamuud, oo qiireysan, “Waxaan nadiifin jirnay guryaha ka hor ciidda, waddooyinkana waxaan ku qurxin jirnay nalal. Maanta ciiddeenu waxay ka jirtaa teendhooyinkii barakaca”.

Haatan waxa ay tahay riyada wiilkan Falastiiniga ah in uu dib ugu laabto gurigiisa oo ku yaala xaafadda Zaytuun ee magaalada Qasa, si uu u xuso qoyskiisa, una qaybiyo cunto samafal, taas oo ah caado ay leeyihiin qaar ka mid ah dalalka Carabta.

“Dagaalku wuxuu burburiyay riyooyinkeennii wuxuuna qaatay kuwa aan jecelnahay,” ayuu yiri Maxamuud.

Cali oo u noqday masruufka ubadka qoyskooda ka haray ayaa yiri: “Farxaddeennii Ciidda waa la burburiyay, balse waxaan ku dadaali doonaa inaan farxadda Ciidda dib ugu soo celiyo walaalahay”.

Xafiiska Tirakoobka Dhexe ee Falastiin ayaa ku qiyaasay tirada carruurta lanool la’aan hal ama labada waalid ee Marinka Qasa in ka badan 43 kun oo carruur ah.

“Dhadhan la yaqaan oo laga yaabo inay soo celiso farxadda ciidda.”
Dhowr suxuun ayaa saarnaa miiska ciidda, laga soo bilaabo sumac, oo la mid ah hilib, iyo xitaa fesikh, oo ah kalluunka dhanaan, laakiin doolshaha Ciidda ayaa ah macmacaanka ugu caansan ee dabbaaldegga.

Qaar badan ayaa u tartamaya in ay qaybiyaan gargaar, cunto, agabka ay carruurtu ku ciyaaraan, iyo hadiyadaha Ciidda ee carruurta, kuwaas oo matalaya kala bar dadka lagu qiyaasay Marinka Qasa ee 2.3 milyan oo qof, si loo soo celiyo farxaddii “luntay” ee Ciidda.

Mid ka mid ah xeryaha barakaca ee ku yaalla magaalada Rafax ee koonfurta marinka Qasa, ilaa 10 haween ah ayaa isugu soo baxay si ay u sameeyaan doolashaha ciidda, taas oo ku taal teendhadii qoyska wiil yar oo Falastiini ah oo lagu magacaabo Majd Nassar.

Majd waa nin dhalinyaro ah oo da’adiisu ay tahay labaatan jir ka soo barakacay waqooyiga Marinka Qasa bilowgii dagaalka, wuxuuna degay koonfurta. Majd waxa uu bilaabay hindise shaqsiyeed muddo laba bilood ah, ninkan dhalinyarada ah ee reer Falastiin waxa uu sameeyay dadaal uu ku ururinayo deeqaha, “si uu dhadhanka Ciidda ugu soo celiyo carruurta xerada iyo qoysaskooda,” sida uu sheegay, wuxuuna ugu baaqay deriskiisa.

Majd wuxuu yiri, “Qiimaha maaddooyinka doolashaha ayaa kordhay saddex ilaa afar jeer marka loo eego sannadihii hore.”

Wiilkii dhalinyarada ahaa ayaa 60 qoys oo xerada ku sugnaa u qaybiyay doolshaha wareegtada ah ee dhexda ka godan.

Dadka reer Gaza ayaa rajeynaya in fasaxa uu keeno wararka sheegaya in dagaalka Marinka uu joogsaday, si ay u nafisaan.

Dhinacyada dhex dhexaadinaya oo ay ka mid yihiin Masar, Qatar, iyo Mareykanka ayaa doonaya in ay heshiis ku meel gaar ah ka gaaraan Israa’iil iyo Xamaas inta lagu guda jiro Ciidul Fidriga.

Related posts

Dhul Gariir Xoogan Oo Ka Dhacay Jasiirada Taiwan Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Dhulgariirkaasi Oo Isa Soo Taraya

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Oo Umada Muslimiinta Iyo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyay Munaasibada Ciida

Abdiaziz Bnnstaff

Kulmiye Xukuumadiisu Way Sii Dumaysaa ” Siyaasi Cabdiqani Gadhka

Abdiaziz Bnnstaff