Borama News Network

Biden Ma Waxa Uu Ku Ciyaarayaa Dab Mase Waxa Uu Qarka u Saaranyahay Kicinta Dagaalka Saddexaad Ee Dunida

Wargeysyada caalamiga ah ayaa ka faallooday dhaq-dhaqaaqyadii xoogganaa ee maamulka Mareykanka ee Bariga Dhexe, New York Post ayaa daabacday maqaal uu qoray qoraaga Michael Goodwin, isagoo ciwaan uga dhigay, “Biden wuxuu ku ciyaarayaa dab, wuxuuna halis ugu jiraa hurinta dagaal saddexaad oo adduunka ah.”

Godwin wuxuu ku bilaabay isagoo sheegay in madaxweynayaasha Mareykanka tan iyo markii la aasaasay maamul Israa’iili ah 1948-tii ay isku dayayeen in ay ka fogaadaan siyaasadaha khatarta gelin kara jiritaanka dowladda yar ee Cibraaniga.

Qoraagu wuxuu arkay in madaxweynayaashani ay raaceen xeer aan qornayn oo ku saabsan habkooda, sababtoo ah dhammaantood waxay ku wada istaageen xaqiiqo adag, taas oo ah “haddii Maraykanku iska fogeeyo Israa’iil, waddamada deriska ah ee ku hareeraysan Israa’iil ayaa ka tirtiri doona jiritaankeeda.”

Godwin waxa uu tilmaamay heshiisyada nabadeed ee ay Israa’iil la gashay Masar iyo Urdun, iyo heshiiskii Abraham, kaas oo ay afar waddan oo gobolka ah ku aqoonsadeen Israa’iil oo ay la yeesheen xiriir dhaqaale, diblomaasiyadeed iyo mid amni.

Laakiin waxa uu intaa ku daray in horumaradaasi aanay macnaheedu ahayn in ay meesha ka baxayso khatarta jirta ee Israa’iil. Sababtoo ah yoolkan waxaa qaatay kooxo ay ka mid yihiin Xamaas, Xisbullah, Ansar Allah Xuutiyiinta, iyo dhaqdhaqaaqyo kale oo “argagixiso”, sida ku cad sharraxaadda qoraaga.

Related posts

“Xildhibanada Qolal Ayaa Lagu Xidhay” Xildhibaan Qaasim Oo Si Adag Uga Hadlay Mooshinkii Golaha La Horkeenayay Ee Buray

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu yahay muuqaalka lagu heysto Trump ee uu ka faafiyay Biden?

Abdiaziz Bnnstaff

Dal Biyo Iyo Koronta Lacag La’aan Ah Siiyana Dadwaynaha Ku Nool Dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff