Borama News Network

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Bariga Dhexe u Tagaya Xal u Helida Dagaalka Gaza.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa safarkiisii 5aad ku tagaya Bariga Dhexe tan iyo markii uu billowday dagaalka tooska ah ee Israaiil ee Falastiin u dhaxeeya ee 7dii Oktoobar sanadkii tagay 2023.

Blinken ayaa markaan ku wajahan Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu ka billaabayo socdaalkiisa si uu Madaxda dalkaas ugala hadlo qorshaha raadinta xabbad-joojin & maxaabiis is dhaafsi looga dhex abuuri karo Israaiil iyo Xamaas.

Maraykanka oo markaan u muuqda in uu ka dhega-furaysanayo hadallada adag ee Israaiil ay ku sheegayso in dagaallada ay sii wadayso ayaa waddamada carabta u raadiyay qorshaha lagu aasaasi karo wadahadal meel dhexe la isugu imaan karo.

Israaiil ayaa ku guul-daraysatay ballanqaadkii Maraykanka ay u samaysay ee ahaa in ay awood kusoo furan doonto Maxaabiista Xamaas u xiran tan iyo 7dii Oktoobar 2023 iyada oo ay ku guul-daraysatay dhammaan isku dayadii ay samaysay.

Diblumaasiyiin si dhow uga warqaba socdaalka xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ee Bariga Dhexe ayaa warbaahinta la wadaagay in aanay waxba socodkaan ka duwaneen socdaalkii hore uu ku tagay Dalalka Carabta.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Xoghaye Antony Blinken uu cagta marin Doonno Dalalka Qadar, Masar & qaybo kamid ah Dhulka Israaiil ay xoogga uga haysato Falastiin iyada oo ciidamo aad u badan lasii geeyay goobaha uu tagayo oo ay kamid tahay Daanka Galbeed.

Related posts

Turkiga Oo Duqaymo Ka Fuliyay Dalalka Suuriya Iyo Ciraaq Ka Dib Weerar Lagu Laayay Askar Turki Ah

Abdiaziz Bnnstaff

“Haayadani waa haayad dalka muhiim u ah waxaana cadaynaya sida….” Agaasime Sambaloolshe

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo War Ka Soo Saaray Wadahadalada Isreal Iyo Xamaas Ee Ay Wado Dowlada Qatar

Abdiaziz Bnnstaff