Borama News Network

Dad Oromo ah oo xalay lagu laayay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

Inta la xqiijiyay 6 qof oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya iyo qof Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dhakhtar ka tirsan isbitaalka degmada Beledxaawo oo diiday in magaciisa la xigto ayaa BBC-da u sheegay in 6 qof oo oromo ah maydkooda la keenay isbitaalka, halka 6 kalena iyagoo dhaawac ah la dhigay isbitaalka.

Dad ku sugan Beledxaawo ayaa BBC-da u sheegay in rag hubeysan ay xalay galeen guri ay daganaayeen dadka oromada ah halkaasna ay ku dileen 6 qof oo oromo ah oo 3 kamid ah ay ahaayeen rag halka 3 kale ay ahaayeen dumar. Waxa kale oo la xaqiijiyay in qof dumara oo Soomaali ah iyana halkaas lagu dilay.

Gudoomiyaha degmada Beledxaawo Cabdirashiid Caroog oo BBC-du wax ka waydiisay dilka ka dhacay degmadiisa ayuu sheegay in warkaasi jiro, laakiin uusan hadda sheegi karin tiradu inta ay la egtahay, wuxuu kaloo intaa raaciyay in ay ku jiraan hawgal lagu baadi goobayo ciddii ka dambeysay.

Faahfaahin dheerada lagama hayo cidda ka dambeysay dilka, mana jirto cid sheegatay illaa hadda.

Related posts

Dabley Hubeysan Oo Si Arxan Darro Ah Ugu Dilay Hooyo Soomaaliyeed Degmada Caabudwaaq Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dilkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

” Talada Suldaanka Suber Awal Way Inaga Wada Dhaxeysaa …” Siyaasi Cabdiqaadir Jirde Oo Fariin Adag U Diray Dhaqanka Beelaha Subeer Awal

Abdiaziz Bnnstaff

Weerar ka dhacay Ruushka oo galaaftay Ugu yaraan 60 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 150 kale.

Abdiaziz Bnnstaff