Borama News Network

Weerar ka dhacay Ruushka oo galaaftay Ugu yaraan 60 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 150 kale.

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo korodhay khasaaraha ka dhashay weerar ka dhacay Dalka Ruushka gaar ahaan Shineemo lagu daawanayay Ruwaayad oo ku taalla Magaalada Moscow ee Caasimadda Dalka Ruushka.

Ugu yaraan 60 qof ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyootay halka ay dhaawacmeen ku dhowaad 150 kale kaddib markii Rag hubaysan ay rasaas ku fureen Dadkaan oo ku sugnaa Shineemadaan ku taalla Degmada Crocus ee Galbeedka Moscow.

Muuqaallo laga soo duubay goobta weerarka lagu qaaday waxaa ka dhex muuqday qaar kamid ah Dadkii ku sugnaa Shineemada oo ku gambanaya kuraasta si aanay waxyeello uga soo gaarin rasaasta ay ku fureen Ragga Hubaysan.

Sirdoonka iyo ciidamada dabagalka ku sameeya dambiyada caynkaan oo kale ah ee Ruushka ayaa billaabay raad-raaca Ragga weerarkaas fuliyay si loosoo qabto isla markaana Maxkamad loosoo taago sida ay sheegeen saraakiil la hadashay Warbaahinta.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan, waxa ay kooxdu ku faantay in ay uga aargudanaysay dhibaatooyin Ruushka uu horay ugu gaystay, fariintooda ayay sii daba-dhigtay hanjabaad kale oo ah in ay qaadayso tallaab kale haddii Moscow ay jawaab bixiso.

Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremilin ayaa sheegay in warkaan ku saabsan weerarka la gaarsiiyay madaxweyne Vladimir Putin iyo madaxa ciidanka ammaanka federaalka Alexander Bortnikov oo laga sugayo go’aanka ku habboon tallaabadaan.

Ruushka ayaa aaminsan in dhinacyo badan oo qaarkood gabbaadsanaya waddamada reer Galbeedka ah in ay fulinayaan weerarro ka dhan ah danaha Dalkaas balse Xukuumadda Moscow ay ka feejigan tahay weeraradaas.

Related posts

Maxay Itoobiya, Somaliland Iyo Puntland Ka Yiraahdeen Go’aankii Dowladda Soomaaliya Ee Qunsuliyadaha Itoobiya?

Abdiaziz Bnnstaff

Maayir Mooge Iyo Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Hooyo Umula Oo Gaadhi Ku Jiidhay Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff

Dabley Hubaysan Oo Waqooyinka Magaalada Gaalkacyo Ku Dishay Ganacsade Caan Ah

Abdiaziz Bnnstaff