Borama News Network

Maxay Itoobiya, Somaliland Iyo Puntland Ka Yiraahdeen Go’aankii Dowladda Soomaaliya Ee Qunsuliyadaha Itoobiya?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inay dalkeeda ka cayrinayso safiirka Itoobiya, sidoo kalana ay xirtay qunsuliyadihii Itoobiya ku lahayd Jamhuuriyada Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Puntland.
Qunsuliyaddaha la xiray waxay ku yaallaan Garoowe iyo Hargaysa. Sidoo kalana dowladda federalka ayaa u yeeratay safiirkeedi ka joogay Addis Ababa.
Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad-gudubtay madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasararadda arrimaha dibadda Soomaliya
Iyadoo ka jawaabaysa go’aanka Soomaaliya ayaa dowladda Itoobiya ay sheegtay inaysan war ax war ah ka hayn arrintan oo markii ugu horreysay si rasmi ah uu u shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla
Saraakiil sar sare oo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland ayaa sheegay in awaamiirtan aysan ka dhaqan gali doonin deegaanadooda.
Jamhuuriyada Iskeed Madaxbananida ug udhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegtay inaysan qusayn go’aanka ka soo baxay dowladda Federalka.

Wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland, Rooda Jaamac ayaa BBC-da u sheegtay in xiriirka Itoobiya iyo Somaliland uu yahay mid quseeya labada dhinac ayna xoojinayaan.

“Itoobiya iyo Somaliland waa labada dal oo xirir wanaagsan ka dhaxeeyo, wax lagaga hadlo Xamarna sinaba nooma quseeyaan, qunsuiyada Itoobiya muddo ayey ka furnayd inuu xiriirkeennu sii ballaarto maahee ma yaraanayo,” ayey tiri Rooda.

Dhankooda Puntland ayaa war-saxaafadeed ay xalay soo saareen gaashaanka u daruuray amarka dowladda federalka ee Soomaaliya ku xirtay qunsuliyadda Itoobiya ee Garowe.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa BBC-da u sheegay in dowladda federaalku laashay dastuurkii heshiiska lagu ahaa sidaas darteedna uusan wax sharci ah ka dhaxayn sida uu hadalka u dhigay cid walbana ay maamushao meesha ay joogto.

Caydiid ayaa intaa ku daray in Puntland ay goonnideeda ula macaamili doonto beesha caalamka, xaqna u leedahay inay danaheeda kala xaajooto dariskeeda.

Laba sarkaal oo Soomaali ah ayaa sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters tallaabadan la xiriiriyey khilaafka ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee koowdii bishii Janaayo ee sanadkan Addis Ababa ku kala saxiixdeen Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya kaasoo ay dowladda Soomaaliya aad uga carootay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay sharci darro ugu tilmaamay heshiiskaas, wuxuuna bishii February sheegay in dalkiisu is difaaci doono haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo tallaabadaas.

Xiisadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Puntland ayaa sidoo kale soo shaacbaxday dabayaaqadii toddobaadkan, kadib markii golaha wasiirrada Puntland ay sheegeen in ay ka baxeen nidaamka federaalka ah ee dalka ayna isku maamuli doonaan si madax-banaan khilaaf ka dhashay isbedel dhanka dastuurka ah.

Tallaabada ay Soomaaliya ku cayrisay safiirka iyo xiritaanka qunsuliyadda ayaa walaac ku keeneysahalka ay ku danbeyn doonto 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira dagaalyahanada al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida.

Related posts

Milatariga,sirdoonka Iyo Booliskuba”Saxaafadii Hargaysa Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Ilig Iyo Tacdi

Abdiaziz Bnnstaff

“ Waddani Iyo Xasan Sheekh Waxay Isku Dareen Ka Yihiin In Ay Hor Istaagaan Horumarka Somaliland ” Wasiir Buuni

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Noloshooda Ku Danbeyn Kartaa Dadka Tahriibka Ku Gala Dalka Mareykanka?

Abdiaziz Bnnstaff