Borama News Network

Qoraagii Buuga Mayal Abwaab Abdiraxmaan Abees Oo Maanta Hargeysa Lagu Xidhay

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa wararka aan ka halayno waxa ay sheegaya in maanta xabsiga la dhigay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ah qoraaga Buuga Mayal oo dhawaan hargeysa lagu soo bandhigey.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa laba cisho uun ka hor kusoo bandhigay buug oo ka qoray xaaladda Somaliland iyo dhalliilo uu ka muujiyay xukuumadda madaxdweyne Muuse Bixi iyo qaar ka mid ah madaxda maamulkaas.

Abwaan Abees ayaa buuggan qoray ka dib markii uu xabsi kasoo baxay mar ay dawladdu xirtay dhowr sanno ka hor, iyada oo Buugga la daabacay laba sanno ka hor ayaa muddadaasba u xannibnaa xukuumadda oo gacanta ku haysay ka dib markii ay qabatay daabacaadaha buugga oo garoonka diyaaradahq Hargeysa lagasoo dejinayo, dhawaan ayayse fasaxeen buugaasi.

Waxa isna dalka sannad iyo dheeraad dalka dibaddiisa ugu maqnaa cabsi abwaan Abees oo sheegay in xarig lala maaganyahay, balse dhawaan ayuu yimi xafladna u qabtay bandhigga buuggan xukuumadda ka caraysiiyay.

Related posts

Sida Ay Xuutiyiintu Ku Heleen Hubka Badda Hoos Mara Iyo Tirada Gantaalaha Ay Haystaan

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Soomaaliya Oo Abaal Marin Dul Dhigay Ninkii Gubay Xaskiisa. Si Gacanta Loogu Soo Dhigo

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Ayaa Milxiis Ka Noqotay Hawadeenii Oo La Aroosayo” Xildhibaan Guruuje Oo Afka Furtay Dagaalna Iclaamiyay

Abdiaziz Bnnstaff