Borama News Network

Haayada Sirdoonka Somaliya Ee Nisa Oo Weerar Culus Ku Qaaday Baraha Bulshada Ee Ay Isticmaalan AS Digniina U Dirtay Shacabka

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo soo saartay dhawaan warsaxaafadeed ayey ku sheegtay in xirtay ku dhawaad 20 Koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegtay in ay u isticmaali jireen cabsi galinta shacabka Soomaliyeed.

Warka ka soo baxay NISA ayaa lagu yiri, “Xafiiska amniga internet-ka ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa soo afjaray ku dhawaad 20 Koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen khawaarijta kuwaas oo ay u isticmaali jireen cabsi galinta shacabka Soomaliyeed.”

Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in ay hawada ka saartay 2,500 labarro, “Waxaa sidoo kale xayiraad la saaray Lambarada xubnaha ka ahaa Group-yadaan oo gaaraya ilaa 2,500 oo xubnood oo laga mamnuucay gabi ahaan adeegyada ku hadalka OTT sida WhatsApp iyo wixii la mid ah,” sida lagu yiri warka ka soo baxay Hay’adda.

Dhanka kale Hay’adda ayaa sheegtay shabakadahaan loo adeegsan jiran boobka Shacabka, “Shabakadaha qaar ayaa ahaa kuwo looga shaqaynayay boobka iyo baadda Ganacsactada Soomaaliyeed, iyada oo Lambarada qaarna laga wici jiray Shacabka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ganacsatada iyaga oo weydiinaya in ay baad bixiyaan.”

Ugu dambeyn warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda ayaa shacabka uga digtay in ay xubin ka noqdaan group-yada ama Pages-ka ay leeyihiin kooxda Al-Shabaab, “NISA Waxa ay shacabka Soomaaliyeed uga digeysaa in ay xubin ka noqdaan group, channel ama page ay leeyihiin kooxaha khawaarijta si aanay u wajihin xayiraad iyo in talaabooyin sharci laga qaado. si waafaqsan Siyaasadaha la-dagaallanka Aragagixisada ee barahaas (counter-terrorism policies) iyo Sharciga la-dagaallanka argagaxisada.”

Related posts

Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Ninkii Gaadhiga Jiidhsiiyay Ilmaha Yar Ee Baxsaday

Abdiaziz Bnnstaff

“Dalka Waxaa Wareeriyey Muuse Biixi…”Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Muranka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

DegDeg: Dowladda Soomaaliya Oo Ka Digtay Roobab Dabaylo Wata Oo Ka Curan Doona Dalka

Abdiaziz Bnnstaff