Borama News Network

Shirkada Netflix Oo Soo Saartay War Cusub Oo Ku Wajahan Dadka Aflaamta Ka Daawada

Netflix waxay sare u qaadi doontaa qiimaha adeegyadeeda dhowr waddan ka dib markii dadka ku xiran ay kordheen ilaa 19 milyan oo qof bilihii ugu dambeeyay ee 2024.

Netflix, adeegga filimada ee khadka tooska ah, ayaa sheegay inay kordhin doonto kharashyada is-diiwaangelinta ee Maraykanka, Canada, Argentina iyo Portugal.

“Waxaan mar mar waydiin doonaa xubnaheena inay bixiyaan wax yar oo dheeri ah si aan u maalgalino oo aan usii wanaajino Netflix,” ayay tiri.

Netflix ayaa soo warisay tiro ka badan intii la filayay ee macaamiisha ah. Aflaanta ka qayb qaatay kororka macaamiisha waxa ka mid ahaa taxanihii labaad ee filimka South Korea ee Squid Game iyo sidoo kale kuwo kale oo ay ku jiraan ciyaar feerka ah oo u dhaxaysay dagaalyahanka saamaynta leh ee Jake Paul iyo halyeygii hore ee miisaanka culus adduunka kulahaa Mike Tyson.

Dhanka kale, ilaa sannadkii hore waxay lahayd in ka badan 300 milyan oo xubnood guud ahaan.

Waxaa la filayey in ay gaaraan 9.6 milyan oo macaamiil ah inta u dhaxaysa Oktoobar iyo Disembar laakiin tiradaas waa ay ka badatay.

Netflix waxay sii dayn doontaa filimo badan oo toos ah oo uu ku jiro WWE legdinta waxayna iibsatay xuquuqaha Koobka Adduunka Haweenka ee FIFA 2027 iyo 2031.

Iibka ayaa ka kacay $8.8bn ilaa $10.2bn.

Related posts

Khilaaf Ku Saabsan Xeerka Doorashooyinka Oo Ka Dhex Qarxay Golayaasha Guurtida Iyo Wakiilada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

“Cabdiraxman Cirro wuxu yidhi dhalinyarada dhinta si aan anu u Noolaado, Abii axmed..” Wasiir Buuni

Abdiaziz Bnnstaff

Ruushka oo gacanta ku dhigay nin looga shakiyay dilkii janaraalkii Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff