Borama News Network

Duufaanno baraf ah oo xayiray duullimaadyadii Diyaaradaha Ee dalka Maraykanka

Boqolaal duullimaadyo oo ka imaanayay saddexda garoon ee ugu waaweyn magaalada New York ayaa la baajiyay xilli ay socdan duufaanno baraf wata.

In ka badan 330 duulimaad ayaa la tirtiray ilaa 09:00 xilliga maxalliga ee guud ahaan garoomada La Guardia, JFK iyo Newark, sida ka muuqata xogta FlightAware.

Garoonka LaGuardia ayaa ilaa hadda ah garoonka ugu daran ee ay saameysay, xogtu waxay muujineysaa, iyadoo in ka badan 226 la baajiyay.

Daraasiin duullimaadyo ah ayaa sidoo kale muujinaya dib u dhac – inkastoo qaar ka mid ah baajinta laga yaabo in la sameeyay si loo xaddido saameynta waddooyinka ugu mashquulka badan.

Dhanka kale ilaa 119 duullimaad ayaa la joojiyay in ay ka baxaan Gegida Caalamiga ah ee Logan ee Boston, sida ay sheegtay FlightAware.

Tobannaan milyan oo Maraykan ah ayaa ku jira digniinta duufaanada barafka oo soo baxay subaxnimadii Talaadada.

Digniinta waxaa ku jira qaybo ka mid ah agagaarka New York, sida Long Island iyo New Jersey.

Dhammaan Connecticut iyo Rhode Island waxay ku hoos jiraan digniinaha duufaannada jiilaalka, iyo sidoo kale inta badan Massachusetts iyo qaybo ka mid ah bartamaha iyo bari ee Pennsylvania.

Related posts

Bariga Dhexe Oo Qarka u Saaran Dagaal Iyo Ciidamada Isbahaysiga Oo Weeraray Dalalka Yemen Suriya Iyo Ciraaq

Abdiaziz Bnnstaff

Masar Oo Imaraatka Carabta Jasiirad Kaga Kiraysay Lacag Dhan 35 Bilyan Oo Dolar

Abdiaziz Bnnstaff

Maxamuud Xaashi Waxa Saxada Ugu Dambaysay Markii Uu Sheegay Inuu Hawada Wareejiyey..Siyaasi Jiir

Abdiaziz Bnnstaff