Borama News Network

Ugu yaraan 700 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka DR Congo tan iyo Axaddii – Qaramada Midoobay

QM ayaa sheegtay in ugu yaraan 700 oo qof lagu dilay dagaal xooggan oo ka socda Goma, magaalada ugu weyn ee ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, tan iyo Axaddii.

Afhayeen u hadlay QM, Stéphane Dujarric ayaa sheegay in 2,800 oo qofna la dhaawacay, iyadoo fallaagada M23 – oo ay taageerto Rwanda – ay qabsadeen caasimadda gobolka North Kivu.

Fallaagada ayaa haatan la sheegay inay kusii siqayaan dhanka koofureed ee Bukavu, oo ah caasimadda gobolka South Kivu.

Dagaalka bariga DR Congo ayaa soo billowday sanadihii 1990meeyadii balse toddobaadyadii lasoo dhaafay ayuu xoogeystay.

M23, oo ka kooban qowmiyadda Tutsi, ayaa sheegay inay u dagaallamayaan xuquuqda bulshada laga tirada badan yahay, halka dowladda Congo ay sheegtay in fallaagadan ay Rwanda taageerto ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan kheyraadka macdanta ee ballaaran ee ceegaagta gobolka bariga dalkaas ku yaalla.

Related posts

Dowladaha Somaliya Iyo Turkiga Oo Kala Sexeexday Heshiis Difaac Oo Cusub

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Israaiil ee muddada dheer ku jira Dagaalka oo la sheegay in Xannuun dhinaca Maskaxda ah soo wajahay

Abdiaziz Bnnstaff

“Madawxeyne Xadhiga Siyaasiga Ahi Wuxu Keenaa Cadaawad Iyo Uur Xumo Iyo Godob Adna Waa Ogtahay Dhibkiisa “Xildhibaan Guruuje

Abdiaziz Bnnstaff