Borama News Network

Dowladaha Somaliya Iyo Turkiga Oo Kala Sexeexday Heshiis Difaac Oo Cusub

Wasiirada Gaashaandhigga ee Türkiye iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis dhinaca gaashaandhigga iyo dhaqaalaha, kaasi oo lagu sii horumarinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada wadddan iyo degenaanshiyaha gobolka.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda Turkiga, Yasar Guler, wasiirka Gaashandhigga ee Turkiga ayaa magaalada Ankara ku soo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Labada mas’uul ayaa munaasabad ka dhacday saldhig militari ku kala saxiixday heshiiskan Khamiistii shalay, kadib wadahadallo ay ka yeesheen xaladda gobolka Geeska Africa.

Faah-faahin dheeri ah lagama bixin heshiiska, iyo waxa uu kaga duwan yahay iskaashigii military ee dhaqaale ee horey uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Turkiga.

“Soomaaliya, waa saaxib muhiim u ah Turkiga, gaar ahaan danahiisa Afrika, Waxaan yeelanay kullamo wax tar leh oo ku dhacay jawi wanaagsan. Waxay ahaayeen wadahadallo sii xoojinaya xiriirka labada waddan. Waxaan xoogga saarnay ahmiyadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Yasar Guler, wasiirka Gaashandhigga ee Turkiga.

Yasar Guler, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay guul ka gaartay dhismaha ciidamada Kumaandoosta ah ee Gorgor – ee Turkigu tababarro.

Ciidamadaas ayuu ku tilmaamay kuwo u badan dhallinyaro waddaniyiin ah oo tusaale u noqon kara Qaaradda Afrika.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanayay tan you markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu booqday Soomaaliya, oo xilligaas ay abaar ba’an ka jirtay sanadkii 2011-kii.

Heshiiskan milatari ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ku soo beegmaya xilli uu muran ka dhaxeeyo Soomaliya iyo Ethiopia. Kaasi oo ka dhashay heshiis is-afgarad ah oo ay Ethiopia la saxiixatay Somaliland billowgii bishii January ee sannadkan.

Related posts

In ka badan 280 ardey oo afduub loo haystay dalka Nigeria oo la sii daaya

Abdiaziz Bnnstaff

Cabdilaahi Dirawal Uu Ku Qasbanyahay In Uu Doorashada Galo Nacnacna Looma Baahno” Gudoomiye saleeban

Abdiaziz Bnnstaff

Soomaaliya Oo Gudoomisay Shir Ka Dhacay Dalka Itoobiya Iyo Arimaha Lagaga Hadlayo Shirkaasi

Abdiaziz Bnnstaff