Borama News Network

Cameroon Oo Laga Billaabay Tallaalkii Ugu Horreeyay Dunida Ee Malaariyada

Dalka Cameroon ayaa billaabay qeybinta tallaalkii ugu horreeyay adduunka ee malaariyada, tanoo ah tallaabo loogu talogalay in lagu badbaadiyo nolosha kumannaan carruur ah oo Afrika ku nool.

Tallaalkii ugu horreeyay ayaa maanta la siiyay gabar yar oo lagu magacaabo Daniella oo ku sugneyd xarun caafimaad.

Dalkan Afrikada Dhexe ku yaalla ayaana noqonaya kii ugu horreeyay, kaddib markii lagu guuleystay olole tijaabo ah oo laga sameeyay dalalka Kenya, Ghana iyo Malawi.

Ururka Caafimaadka Adduunka, oo ansixiyay tallaalkan, (ayna sameysay shirkadda dawooyinka ee Britain ka howlgasha ee GSK) ayaa ku tilmaamay in arrintan ay taariikh u tahay la dagaallanka cudurkan ay kaneecadu sababto. Ilaa labaatan kale oo dal ayaa doonaya inay sanadkan dhexdiisa hirgeliyaan tallaalka, sida laga soo xigtay isbahaysiga tallaalka aduunka ee, Gavi.

Soo saaridda tallaalkan ayaa qaadatay 30 sano oo baaritaan ah.

Shirkadda GSK ayaa sheegtay in keliya soo saari karto ilaa 15 milyan oo kuuro ah sanadkiiba.

Related posts

Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Dhalinyaro Lagu Xidhxidhay Magaalada Borama Iyo Cabudhinta Warbaahinta Lagu Hayo

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: “Halka Dooq ee aan ka furnayn Dastuurka waa dib haloo dhigo”.

Abdiaziz Bnnstaff

Benzema oo dacwad ka gudbiyay wasiir sheegay inuu xirriir la leeyahay urur laga mamnuucay dalal dhowr ah

Abdiaziz Bnnstaff