Borama News Network

Guterres oo Xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay Ee Pakistan u Magacaabay Maxamed Yaxya Oo Soomaali Ah

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Maxamed Yaxya u magacaabay in uu noqdo xiriiriya golahaas & Dalka Pakistan sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga gaarka ah ee lagu shaaciyo ergada xilalka loo magacaabo.

Guterres ayaa sheegay in Yaxya uu yahay waaya-arag howlo kala duwan soo qabtay sidaas awgeed uu u xushay in uu howshaan Qaramada Midoobay iyo Pakistan la isku xirayo uu u wakiil uga ahaado si uu u xoojiyo cilaaqaadka labada dhinac.

Maxamed Yaxya waa min haysta waaya-aragnimo ka badan 20 sano oo dhinaca horumarinta & nabad-dhiska sida lagu shaaciyay qoraalka waxaana uu kasoo shaqeeyay xafiisyo iyo qaybo kale oo kamid ah faracyada hoostaga Qaramada Midoobay sida Hay’adda UNDP.

Meelaha uu kasoo howlgalay ee waxqabadkiisa lagu arkay waxaa kamid ah Dalalka ay ka jiraan xasilooni darrada oo kaalin mugleh uu ka qaatay qorshaha Qaramada Midoobay ee nabad-dhiska sida hadalka loo dhigay sida Afghanistan & Liberia.

Xoghaye Antonio Guterres ayaa Maxamed Yayxa ka rajeeyay in uu ka shaqeeyo sida laga filanayo howlaha uu u wakiishay isla markaana door firfircoon uu ka qaato xiriirinta Qaramada Midoobay iyo Dalka Pakistan.

Related posts

Maamul Goboleedka Galmudug Oo $30,000 Ku Abaalmarisay Xulka Metalay Dowlad-Goboleedkaas Ee Koobka Ku Guulaystay

Abdiaziz Bnnstaff

Ilhaan Cumar “Inta Aan Anniga Congress-ka Jooga Badda Soomaaliya Cid Kale Ma Qaadanaysa.”

Abdiaziz Bnnstaff

Qarax Loo Adeegsaday Gaadhi Dameer Oo Ka Dhacay Dalka Kenya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxaasi

Abdiaziz Bnnstaff