Borama News Network

2025Facebook oo xayiraado cusub soo rogay

Shirkadda Meta ayaa xannibaado hor leh ku soo rogtay dadka da’oodu ka hoosayso 18 sano ee isticmaala Facebook iyo Messenger.

Sharciyadan cusub ayaa xaddidaya in carruurtu ay baahin toos ah ka samayn karaan Facebook iyaga oo aan oggolaansho ka haysan waalidkooda.

Nidaamkan oo markiisii hore laga dhaqangeliyay barta Instagram, bishii September ee kal hore ayaa ujeeddadiisu tahay in laga ga hortago waxyaabaha la soo dhigo baraha bulshada ee aan ku habboonayn da’yarta.

Laakiin dadka qaar oo qorshahan ka soo horjeeda ayaa ku tilmaamay in waxyaabaha qaarkood ay cadaadis u muuqdaan.

Qorshaha Meta waxa uu saamayn doonaa malaayiin da’yar ah oo caalamka ku nool.

Dhallinyarada qaar ayaa BBC-da u sheegay in ay weli ay fududahay in da’da laga been sheego.

Meta waxa ay sheegtay bilaabi doonto isticmaalka garaadka macmalka ah si loo aqoonsado dhallinyarada laga yaabo in ay been ka sheegaan da’dooda

Related posts

Dowlada Maraykanka oo Dowlada Itoobiya U dirtay Fariin Naxdin leh oo la xariiirta Badda Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo War Murtiyeed Ka Soo Baxay Shirkii Dalka Jabuuti Uga Socday Madaxwaynayaasha Somaliya Iyo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Hoggaamiyaha Aqbaliyadda Golaha Senate-Ka Maraykanka Oo Eedayn Culus u Jeediyay Netanyahu

Abdiaziz Bnnstaff