Borama News Network

Hoggaamiyaha Aqbaliyadda Golaha Senate-Ka Maraykanka Oo Eedayn Culus u Jeediyay Netanyahu

Chuch Schumer oo ah hoggaamiyaha Aqbaliyadda Golaha Senate-ka Maraykanka ahna mas’uulka ugu sarreeya ee dhalasho ahaan kasoo jeeda Israaiil ee xil ka haya Dalkaas ayaa eedayn culus dusha ka saaray Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu.

Waxyaabaha uu Chuch ku eedeeyay Netanyahu waxaa kamid ah in si aanay wanaagsanayn u maareeyay Dagaalka dhiigga badan ku daaday ee Yuhuuddu ku qaadday Dhulka Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza.

Schumer ayaa intaas ku daray in Benjamin Netanyahu uu kala fogeeyay Israaiil iyo Caalamka sababtuna ay tahay habka aanay la mahdin ee uu u maamulay dagaalka tooska ah & duqaynta ka socota Magaalada Gaza.

Waxa uu ku sifeeyay in uu yahay Nin dhabbaha toosan ka dhacay sidaas awgeed loo baahan yahay in la qabto Doorasho cusub si loo dhaqo wajiga dhiigga leh ee Israaiil ee aanay ku eegi Karin dunida inteeda kale.

Muranka Xubnaha Yuhuudda dhexdooda ah ayaa bannaanka usoo baxay wixii ka dambeeyay weerarkii Xamaas ku ceebaysatay Sirdoonkii in badan la buun-buuniyay, Ciidankii ku faanayay qalabka iyo hubka casrigah, tababarka heerkiisu sarreeya & xasuuqa ay gaysteen.

Xukuumadda Israaiil ayaa qiratay in weerarkii Xamaas ee 7dii Oktoobar 2023 looga dilay 1,200 halka laga qafaashay in ka badan 240 kale oo qaarkood lagu sii daayay waan-waan Maxaabiis is dhaafsi ah waxaana askar kale ay ku dhinteen weerarradooda ay gaysanayaan.

Related posts

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi War Ka Soo Saartay Dastuurkii Ay Ansixiyeen Baarlamaanka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Ma laga yaabaa in xiisadda u dhexeeysa Israa’iil iyo Iran ay horseedo dagaalkii saddexaad ee adduunka?

Abdiaziz Bnnstaff

Siyaasi Cali Qoryoolay Oo Boqor Buurmadaw Ugu Baaqay In Uu Dalka Yimaado Kana Hadlay Arimaha Doorashooyinka Baaqna U Diray Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff