In ka badan seddex milyan oo carruur ah oo adduunka ku nool ayaa loo malaynayaa inay u dhinteen sanadkii 2022 ka dib markii ay sababeen caabuqyo u adkaysta dawada antibiyootiga, sida lagu sheegay daraasad ay sameeyeen laba khabiir oo hormuud ka ah caafimaadka carruurta.
Carruurta ku nool Afrika iyo Koonfur Bari ee Aasiya ayaa la ogaaday inay ugu badan yihiin khatarta.
Iska caabbinta dawada antimicrobial – oo loo yaqaan AMR – waxay timaadaa marka microbes-ka keena caabuqa ay u koraan si aysan dawooyinka antibiyootiga u shaqeynin.
Waxaa loo aqoonsaday mid ka mid ah khataraha caafimaad ee ugu weyn ee soo wajaha dadka adduunka.
Daraasad cusub ayaa hadda daaha ka qaadaysa dhibaatada ay AMR ku hayso carruurta.
Isticmaalka xogta laga helay ilo badan, oo ay ku jiraan Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Bangiga Adduunka, qorayaasha warbixinta ayaa xisaabiyay inay jiraan in ka badan saddex milyan oo carruur ah oo u dhintay 2022 kuwaas oo lala xiriiriyay caabuqyada u adkaysta dawada.