Borama News Network

Ciidankii ugu badnaa Israaiil oo ku go’doonsan Gaza & Yuhuudda oo Duqayn xooggan wada.

Ciidamo badan oo ka kala tirsan Guutooyinka cusub ee dhowaan Israaiil ay galisay dagaalka ka socda Waqooyiga Magaalada Gaza ayaa lasoo wariyay in ay go’doon xooggan galeen iyada oo isku dayaya in ay dib usoo gurtaan.

Ilo kala duwan ayaa warbaahinta qaar u sheegay in ciidamadaan ay go’doon galeen kaddib markii ay isku dayeen in ay galaan goobo ay ka dagaalamayaan dhaqdhaqaaqa wax iska caabbinta balse markii dambe dhowr dhinac laga soo galay.

Qaraxyo xooggan oo ah hubka culus ee Gawaarida ku xiran iyo kuwa garbaha laga tuuro ayaa laga maqlayaa xaafadaha qaar ee Magaalada Gaza waxaana sidoo kale dhinac socda duqayn xooggan oo Yuhuuddu ku garaacayso goobo kala duwan.

Militariga Go’doonsan ayaa dalbaday in duqayn xooggan oo lagu raadinayo qorshaha dib usoo gurashadooda ah la sameeyo haddii lagu guuldaraystana halis badan ay geli karaan ciidamadaan waa sida hadalka loo dhigay.

Teleefishinka Aljazeera oo si dhow uga xog-warrama arrintaan ayaa sheegay in hawada oo dhan ay isku dhaafayaan gantaallo halka la baahiyay muuqaallada goobo kala duwan oo duqayntu ku dhacday inkasta oo aan la shaacin khasaaraha ka dhashay.

La soco wixii kasoo kordha

Related posts

Maamulka Puntland Oo Magaalada Boosaaso Ka Raafaya Boqolaal Oromo Ah Oo Looga Shikiyay Amni Darada Magaalada

Abdiaziz Bnnstaff

Warmurtiyeed: Maxay Ku Heshiiyeen Dowladaha Soomaaliya Iyo Sacuudiga?

Abdiaziz Bnnstaff

Duqeyn Lagu dilay Dad iyo Boqolaal Neef Oo Geel ah oo ka Dhacday Deegaanka Mellit

Abdiaziz Bnnstaff