Maamulka Madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu xiro ilaa 30 safaaradood iyo qunsuliyado oo Maraykanku ku leeyahay dalal caalamka, sida uu baahiyay Teleefishinka CNN oo soo xiganaya dukumenti ay heleen.
Dukumentigan waxa kale oo uu soo jeedinayaa in la dhimo tirada shaqaalaha iyo hawlaha ay hayaan safaaradaha Maraykanku ku leeyahay dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq.
Qorshuhu wuxuu soo jeedinayaa in la xiro 10 safaaradood iyo 17 qunsuliyadood oo ku yaalla Yurub, Afrika, Aasiya iyo Kariibiyaanka. Safaaradaha la xusi karo waxaa ka mid ah kuwa ku yaalla Malta, Luxembourg, Lesotho, Jamhuuriyadda Congo, Bartamaha Afrika iyo Koonfurta Suudaan.
Sidoo kale liiska waxaa ku jira qunsuliyado ku yaalla Faransiiska, Jarmalka, Bosnia iyo Herzegovina, UK, Koonfur Afrika, iyo Koonfur Kuuriya.
Weli Dowladda Mareykanka kama hadlin qorshaha la sheegay in ay ku xireyso qaar kamid ah Safaaradaheeda Caalamka.