Borama News Network

Nin boqol kun oo doolar ka dhacay haween kaddib markii uu la haasaaway

Koox haween ah ayaa u digay haweenka kale in ay baaris ku sameeyaan ragga ay internetka ka bartaan oo ay la haasaawayaan.

Peter Gray oo 35 jir oo haweenka kula kulma barta Tinder ayaa la xiray kaddib markii uu afar haween ah ka dhacay lacag ka badan boqol kun oo doolar.

Mid ka mid ah haweenkii uu lacagta ka dhacay oo ka timid galbeedka Yorkshire ayaa sheegtay in uu burburiyay nolosheeda.

Jessica oo aan aheyn magaceeda rasmiga waxay BBC u sheegtay in Gray kula kulantay App-ka haasaawaha ee Tinder 2018-kii. Waxay tiri, wuxuu ahaa qof si fiican kuu dhageystsa taas oo aheyd wax aan markaas aad ugu baahnaa

Kulankoodii saddaxaad ayey Jessica sheegtay in gurigiida iyago jooga ay suuliga aaday. “ boorsadeyda ayaan kaga tagay miiska cuntada, kaddib ayuu sawirro ka qaaday sharciga gaariga aan ku wado iyo bangiyadeyda” ayey tiri. waxay markii dambe ogaatay in lagu leeyahay lacag ka badan toban kun oo doolar.

inkastoo uu sheegay Gray inuu lacagta soo celinayo hadana Jessica waxay aaday booliska.

Gabar kale oo la yiraahdo Hanna ayaa sheegtay in uu ahaa qof ugu horeyn deggan oo kalsooni ku siinaya.

Related posts

Go’aamo Ka Soo Baxey Guddiga Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Wasiir Koore Oo La Doortey…..

Abdiaziz Bnnstaff

‘Qalbiga xanuun ayaan ka dareemayaa’: Hooyo Aamino oo wiilkeedii labaad looga dilay Canada

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Yihiin Danaha Gaarka Ee Dalka Turkigu Ka Leeyahay Dalalka Qaarada Africa?

Abdiaziz Bnnstaff