Borama News Network

Faahfaahin ka soo baxaysa dil xalay degmada Bur-saalax loogu gaystay laba nin

Dabley ku hubeysan qoryaha fudud ayaa xalay fiidkii degmada Bur-saalax ee gobolka Mudug, dil ugu gaysatay, Allaha u naxariistee maamulihii shirkadda Golis, Burhaan Maxamed Cali Xaashi iyo nin kale oo ganacsade ah laguna magacaabi jiray Mahad Sayuun.

Falkaan ayaa waxaa kale oo dhaawac ka soo gaaray laba qof oo kale oo mid haweeney tahay, iyadoo kooxda dilka gaysatay ay baxsadeen sida wararku ay sheegayaan.

Inkastoo ilaa iyo hadda aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga, haddana xog aan ka helnay dadka deegaanka ayaa sheegaysa in dhacdadaan ay salka ku hayso aano qabiil.

Degmada Bur-saalax ayaa sanadkii 2023-kii waxaa dil sidaan oo kale ahaa loogu gaystay guddoomiyihii degmadaas Cabraxmaan Sheekh Cabdullaahi.

Related posts

Maxkamada Sare Ee Maamulka Puntland Oo Dhaarisay Madaxwayne Dib Loo Doortay are Siciid Deni

Abdiaziz Bnnstaff

Baarlamaanka Puntland Oo Saciid Deni u Kordhiyey Muddada Magacaabista Golaha Wasiirada

Abdiaziz Bnnstaff

Israaiil Oo Balaaayiin Doollar Ku Bixisay Kaamirooyinka Casriga Ah Iyo Hubka Mashiinka Ah Ee Isrida

Abdiaziz Bnnstaff