Borama News Network

Israaiil Oo Balaaayiin Doollar Ku Bixisay Kaamirooyinka Casriga Ah Iyo Hubka Mashiinka Ah Ee Isrida

Xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar 2023 oo ku beegan markii weerar cajiib ah oo argagax iyo cabsi badan geliyay Yuhuudda ay Xamaas ku qaadday saldhigyo iyo goobo amnigooda aad loo adkeeyo waxa ay Xukuumaddu bixisay lacag badan si ay uga hortago weerarro kale.

Netanyahu oo bar-madow ku noqday weerarkaas maadaama Xamaas ay soo bandhigtay muuqaallada qaabka uu weerarkaas u dhacay, saraakiisha iyo ciidanka ay toogatay, Gaadiidka ay gubtay & xogo kale oo bannaanka soo dhigay sida ay ciidanka Yuhuudda u jilcan yihiin waxaa kordhay dalabaadka ay u dirsanayaan Maraykanka & dhinacyada kale ay maciin-bidi karaan.

Sababta waa in Culayska saaran Netanyahu uu isaga yareeyo mar haddii uu ku fashilmay soo furashada Maxaabiistii laga qafaashay oo dhowr bilood gacanta ugu jira Xamaas, sirdoonka Israaiil oo khibrad xumo hayso iyo sida ay isaga riixi karaan culayska gudaha ka haysta Sida ay kusoo warrantay qaar kamid ah Warbaahinta Israaiil.

Waxaa la ogaaday in Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay bixisay lacag aad u badan si ay usoo iibsato Kaamirooyinka casriga ah oo ay ku xirayso Gidaarada (Darbiyada) Xuduud beenaadka si loola socda dhaqdhaqaaqa dagaalamayaasha kasoo gudbi kara si ay markale u damcaan weerarro kale oo lagu dhiig-bixinayo Israaiil.

Maraykanka ayaa dhaqaalaha ugu badan ee Israaiil ka helay wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar 2023 kaddib markii uu iibsasho iyo dayn isugu daray hubka difaaca ee casriga ah, taangiyada lacagaha badan ku fadhiya ee farsamadoodu u dambaysay, Kaamirooyinka dhiigga ku shaqeeya iyo hubka mashiinka ee keligii is rida.

Intaas oo dhan Israaiil kuma filnaan waxaana la qiyaasayaa in ay uga baxday lacag ka badan $270 Bilyan oo doollar iskasta oo ay suuragal tahay in lacagtu intaas ka badato maadaama Taangiyo casri ah looga gubay Magaalada Gaza muddada uu dagaalka lugta ah ee tooska ah uu ka socda Magaaladaas.

Dhowaan waxaa isbarbar-dhig lagu sameeyay qoriga ugu culus ee Xamaas ay dagaalka u adeegsanayso ee Al-Yaasiin oo ah qoriga loo yaqaan RBG oo ay dib usii farsameeyeen waxaana lagu qiyaasay $500 in lagu iibiyo halka taangiga Israaiil ay haysato ee uu qorigaas gubayo lagu sheegay $500 Milyan waxaana halkaas kasoo baxay farqi aad u wayn waana tan keentay in ay Yuhuuddu kordhiyaan weerarrada dhinaca cirka ah waa duqaynta ay gaysanayaan.

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Codsi U Gudbisay Midowga Africa Iyo Nuxurka Uu Xambaarsayahay Codsiga Ay Somaliya Gudbisay

Abdiaziz Bnnstaff

“Inankaa Sirdoonka Haysta Ee Deg Dega Badan Waxa Uu Doonaya In Uu Dadka Iyo Dalka Kala Diro …”Xildhibaan Barkhad Batuun

Abdiaziz Bnnstaff

Xirsi “ Aqoonsi Ku iibsan Mayno Dhul Mugdi Ayaa Ku Gadaaman Heshiiska Itoobiya Ee Bada SL

Abdiaziz Bnnstaff