Borama News Network

Dowlada Hindiya oo Dib u furanaysa Safaaraddii ay ku lahayd Magaalada Muqdisho.

Dowladda Hindiya ayaa damacsan in ay Magaalada Muqdisho ka furato Safaarad ka shaqaysa xoojinta iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya oo muddooyinkii dambe kor uga soo qaadmayay halkii uu joogay sanadihii lasoo dhaafay.

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Hindiya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in wafdi ka socda New Delhi oo maalmihii lasoo dhaafay soo gaaray Magaalada Muqdisho ay qiimaynayeen dhinacyada amniga iyo qorshaha dib u furashada safaaraddooda Soomaaliya.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Hindiya keliya ay u dhaxaysa Badwaynta Hindiya oo aanay jirin Dal u dhaxeeya sidaas awgeed labadaan Dowladood ay ka shaqaynayaan dib u xoojinta xiriirka ka dhaxeeya.

“Wafdiga ka socda Hindiya waxa ay qiimayn ku samaynayeen sidii ay dib ugu furan lahaayeen safaaraddii Hindiya ee Muqdisho iyaga oo qiimayay dhinaca Amniga, labada waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jirayn ah, labada Dal Bad uun baa u dhaxeeya ee ma jiro wax dal ah oo u dhaxeeya, wafdiga ayaa sidoo kale xoogga saaray xoojinta cilaaqaadka labada Dalka sida dhinaca Ganacsiga, Caafimaadka, Dowladnimada & kuwo kale” ayuu yiri Axmed Cali Daahir Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Hindiya.

Dalalka aanay dib u furan safaaradihii ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho ayaa ka shaqaynaya sidii ay dib ugu furan lahaayeen si loo xoojiyo cilaaqaadka kala dhaxeeya Soomaaliya waxaana ay soo dirsadeen mas’uuliyiin qiimayn ku samaynaysa dhinaca Amniga oo ah waxa 1aad ee ay ka fakirayaan.

Related posts

Wasiir Cilmi “Soomaaliya diblomaasiyad ahaan way ka guuleysatay Itoobiya”

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Bare Oo Isku Shaadhayn Iyo Magacaasi Ku Sameeyay Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Kasoo Baxay Shirka Ururka IGAD Uu Ku Yeeshay Xadgudubka Itoobiya Ku Samaysay Soomaaliya?

Abdiaziz Bnnstaff