Dowlada Kenya Oo War Ka Soo Saartay Dhegaysiga Kiiska Bada Ee Kala Dhex Dowlada Somaliya

Xilli 15-ka bisha Maarso ee sanadkan 2021 loo ballansan yahay dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya ee maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa dowladda Kenya waxay ka hadashay inay ka qeybgaleyso dhageysiga dacwaddaas iyo inkale.

Inkastoo dowladda Kenya aysan si rasmi ah uga hadlin mowqifkeeda ku aadan ka qeybgalka dhageysiga dacwadda badda ayaa haddana ilo katirsan dowladda Kenya waxay warbaahinta u sheegeen in Kenya ay dhageysiga dacwadda badda ka qeybgeli doonto, ayna uga qeybgeli doonto qaab fogaan arag ah.
“Maadaama aynu katirsanahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, waan ku gowracanahay in aan ka qeybgalno oo aan u hogaansano amarka maxakamadda”, ayuu qof katirsan dowladda Kenya u sheegay BBC-da.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ayaa 13-kii bishan gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Warbixin Xiise Leh:- Nin Sheegay In Uu Yaqaano Af-Shimbireedka Iyo Qaabka Uu Bartay Oo Uu Ka Sheekeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Afar Nin Oo Soomaali Ah Oo Hadda Xilalka Ugu Sarreeya Ka Haya Hay’adaha Amniga Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Gudiskii Dagaalka Ee Israel Oo Go’doon Ah Iyo Iiraan Oo Hanjabaad Culus Dirtay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More