Borama News Network

Guterres oo si kulul cambaareeyay weerarkii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimashada askari ka tirsan ciidamada Uganda ee ilaalada ka ah xarunta Qaramada Midoobay.

António Guterres ayaa xusay in weerarada ka dhanka ah shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo dhismayaasha ay mamnuuc ka yihiin sharciga caalamiga ah.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu si buuxda u muujinayaa garab istaagga iyo taageerada buuxda ee ay Qaramada Midoobay u hayso dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed halganka ay kula jiraan argagixisada, waxana uu dib u xaqiijinayaa sida ay QM uga go’an tahay in ay ku taageerto socdaalkooda ku aaddan waddan xasiloon, ammaan iyo barwaaqo ah.” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray Stéphane Dujarric oo ah afhayeenka Guterres.

 

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Ku Biiraysa Urur Ay Dhawaan Somaliya Xubin Buuxda Ka Noqotay

Abdiaziz Bnnstaff

Isreal Oo Ku Kala Qaybsantay Talaabada Ay Qaadi Lahayd Iyo Iiran Oo Qorshe Cusub Dejinaysa

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha JFS oo Addis Ababa ku Qaabilay Safiirrada Dalalka Jaamacadda Carabta u Jooga Ethiopia.

Abdiaziz Bnnstaff