Borama News Network

Maraykanka Oo Markale Ku Celiyay In Uu Taageerayo Madaxbannaanida Iyo Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa markale ku celisay in ay ixtiraam ay u hayso madaxbannaanida & midnimada dhuleed ee Soomaaliya isla markaana taageereyso shirka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ee Madaxda IGAD isugu imaanayaan Uganda.

Maraykanka ayaa sheegay in uu dhiirragelinayo shirkaan IGAD ee 18ka Janaayo 2024 ka yeelanayaan Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya & Itoobiya oo ka dhashay xadgudubka Xukuumadda Addis Ababa ku samaysay Madaxbannaanida & midnimada.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo lagu daabacay barta X ee horay loo oran jiray Twitter-ka ayaa lagu muujiyay sida Maraykanku uu u doonayo in Soomaaliya lagu xushmeeyo madaxbannaanideeda.

“Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, Maraykanku waxa uu taageerayaa, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maraykanka ayaa kamid noqday waddamada ka dhiidhiyay xadgudubka Itoobiya kaddib markii Xukuumadda Addis Ababa ay 1dii Janaayo 2024 ay shaacisay heshiis-beenaad ay wada-gaareen Abiy Axmed Cali & Muuse Biixi Cabdi.

Related posts

Warbixin: wax ka ogow Waraabaha ugu Halista badan ee ku nool Somaliland.

Abdiaziz Bnnstaff

Diyaarad Siday Ciidan Maraykan Ah Oo Dhacday Iyo Saraakiil La La’yahay

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Isreal Waydiistay macluumaadka muwaadin looga dilay Marinka Rafax.

Abdiaziz Bnnstaff