Borama News Network

Kuuriyada Waqooyi oo markii ugu horreysay qiratay in ciidamadeedu Ruushka ka caawiyaan dagaalka Ukraine

Kuuriyada Waqooyi ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in ay ciidamo u dirtay Ruushka si ay uga caawiyaan dagaalka Ukraine.

Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka dowladda ee KCNA, ayaa milateriga Pyongyang waxa ay ku andacoodeen in askartooda ay ka caawiyeen ciidamada Ruushka in ay “si buuxda u xoreeyeen” gobolka xuduudka ku yaalla ee Kursk, iyadoo amarkaas uu bixiyay hoggaamiye Kim Jong Un.

Ku dhawaaqista Pyongyang ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun ka dib markii madaxa shaqaalaha ee Ruushka Valery Gerasimov uu ammaanay “halyeynimada” ciidamada Kuuriyada Waqooyi, waana markii ugu horreysay oo Moscow ay si cad u qirato in ay gacan ay ka hesho ciidamada Kuuriyada Waqooyi.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa mar sii horreysay BBC-da u sheegay inay rumeysan yihiin in ugu yaraan 1,000 ka mid ah 11,000 oo askari oo laga soo diray Kuuriyada Waqooyi lagu dilay dagaalka muddo saddex bilood ah.

Si kastaba ha ahaatee, bayaankan ay soo saartay dowladda Kuuriyada Waqooyi, ayaa meesha ka saaraya dhammaan wararkii xanta ahaa ee arrintan ku saabsanaa.

Maqaal lagu daabacay bogga hore ee wargeyska ay maamusho dowladda, ayuu Kim Jong Un ku ammaanay ciidamadiisa geesinimada aiyo in ay dib u riixeen ciidamada Ukraine.

Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushkuba muddo ayay ka gaabsanayeen wararka ku saabsan in Pyongyang ciidamo ka socda ay ka barbar dagaallamayaan kuwa Ruushka ee daga

Related posts

Iiraan oo soo bandhigtay qaabkii uu u dhacay howlgalkii lagu dilay AUN Ismaaciil Haniyah

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka & Ingiriiska miyay billaabayaan weerarro ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen?

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Putin oo mar kale digniin adag u diray Reer Galbeedka

Abdiaziz Bnnstaff