Borama News Network

Maraykanka & Ingiriiska miyay billaabayaan weerarro ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen?

Maraykanka iyo Britian ayaa bilaabay weerarro ballaaran oo ka dhan ah, kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, iyaga oo uga aargudanaya, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas.

Saraakiil Maraykan ah, oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Maraykanka iyo Ingiriisku, inay weerar ku qaadeen, in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiintu, kuwaas oo isugu jira, goobo tababar, iyo meelo lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waa markii ugu horraysay ee la duqeeyo, xarumaha xuutiyiinta ee ku yaalla gudaha Yemen, tan iyo markii ay bilaabeen weerarada ka dhanka ah, maraakiibta maraysa badda cas, iyaga oo sheegay inay garab-istaag u muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta.

Waxaa jiray illaa 27 weerar oo laga soo abaabulay goobaha ay Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yemen, tan iyo wixii ka dambeeyey bishii November ee sannadkii hore.

Salaasadii, taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka, oo dusha kala socda hawlgallada ciidamada Maraykanka ee bariga dhexe iyo koonfurta Aasiya, ayaa sheegay, in kooxda Xuutiyiintu ay qaadeen weerar adag oo ay adeegsadeen illaa 18 diyaaradood oo ah, nooca aan duuliyaha lahayn, iyo illaa saddex gantaal , kuwaas oo lala beegsaday gaadiidka badda ee maraya biyaha badda cas.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, oo ay wehelinayaan, Maraakiibta dagaalka ee Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa dhacdadaas ka jawaabay, iyaga oo soo riday diyaaradahaas iyo gantaaladaba, kana hortagay khasaarihii ay geysan lahaayeen.

Ka hor intii aan Maraykanka iyo Ingiriisku aanay weerarka qaadeen, waxaa jiray, saraakiil Maraykan ah oo u digay Xuutiyiinta iyo Iranba, inaanay ku kicin falal jar iska xoornimo ah oo sharci darro ah.

Related posts

Maxay Tahay Tallaabada Uu Qaaday Mareykanka Ee Ka Cadheysiisay Shiinaha?

Abdiaziz Bnnstaff

“ Cabdilahi Darawalow Wixii Aad Dalka Ka samaysay 1994 Waad Ogtahay wali Cidina kugulama Xisaabtamin

Abdiaziz Bnnstaff

Sadex Qof Oo Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Weerar Hoobiyayaal Ah Oo Ay Alshabaab Ku Qaaday Magaalada Camaara Ee Gobolka Mudug

Abdiaziz Bnnstaff