Borama News Network

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo War Ka Soo Saaray Duqaymihii Xalay Ay Reer Galbeedku Ka Fuliyeen Dalkaasi

Hore waxaa jiray warka ah in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sheegeen inay sii wadi doonaan weerarrada ka dhanka ah maraakiibta badda cas ee lala xiriirinayo dagaalka Israa’iil ee Qasa, gaar ahaanna maraakiibta ‘xirriirka la leh Israa’iil’.

Afhayeenka kooxdaas, Mohammed Abdulsalam, ayaa ka hadlay weerarkii xaga cirka ee ay Mareykanka iyo Ingiriiska ku qaadeen Xuutiyiinta Yemen.

Qoraal uu soo dhigay barta X ee hore loo oran jiray Twitter, ayaa waxaa uu ku sheegay inay sii socon doonaan weerrarada lagu bartilmaameedsanayo badda cas, isla markaana uu saameyn doono maraakiibta Israa’iil ama kuwa ku socda dhanka dekedaha Falastiin.

Abdulsalam ayaa intaa ku daray, in Mareykanka iyo Ingiriiska ay ku ‘qaldanaayeen’ inay u maleeyaan in duqeymaha ay geysteen ay Yemen kahor istaagi doonto tageerada ay u fidinayaan dadka reer Falastiin iyo Qasa’.

Ha yeeshee sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa hore u sheegay in weli Xuutiyiinta aysan ka aar gudan weeraradaasi.

Dalalka Mareykanka arrintan ku taageerayo waxaa kamid ah: Ingiriiska, Australia, Canada, Denmark, Jarmalka, Netherlands, New Zealand iyo Kuuriyada Koonfureed.

Related posts

Dawlada Somalia “ Damaca itoobiya inay Qabsato Goobta Ugu Mihiimsan Badeena Ee Baabul Mandab….

Abdiaziz Bnnstaff

Sanad Ka Dib Markii Uu Dagaalka Sokeeye Ka Qarxay Dalka Sudan Iyo Xaalada Dalkaasi Oo Walaac Xoogan Laga Muujiyay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Casuumay Dhigiisa Dalka Kenya Iyo Ujeedada Casuumadaasi

Abdiaziz Bnnstaff