Soomaaliya oo juquraafi ahaan dhacda meel muhiim ah ayaa waxa ay sidoo kale leedahay muhiimad dhaqaale iyo khayraad dabiici ah oo aan wali laga faa’iidaysan, taas oo keenaysa in dalalka quwadaha caalamka iyo kuwa heer gobol intuba ay si gooni ah ula socdaan xaladda Soomaaliya iyagga oo sidoo kale ku loolamaya saamaynta ay ku yeelanayaan siyaasadda.
Soomaaliya oo la daalaadhacaysa duruufo dhaqaale, kuwa amni iyo degenaan la’aan siyaasadeed oo gudaheeda ah, waxaa culayska ku badinaya hardanka juquraafi-siyaasadeed, ee ka dhexeeya wadamada waawayn ee doonaya in ay xoojiyaan saamayntooda geeska Africa gaar ahaan Soomaaliya.
Turkiga oo ah quwad heer gobal ah oo Soomaaliya uu kala dhexeeyey 10-kii sanno u dambaysay xiriir qoto dheer, kana caawiyay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dhismaha, tababaridda ciidanka, waxbarashada, ganacsiga iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaale, ayaa cadaadis heersare ah kala kulmaya waddamada Yurub iyo Maraykanka, kaddib markii ay soo baxeen wararka la xiriira in Turkigu uu soo saarayo shidaalka Soomaaliya.
Waddamada Yurub iyo Maraykanka oo iyagu muddo dheer ahaa saameeyayaasha ugu xoogan ee siyaasadda Soomaaliya ayaa Turkiga ku cadaadinaya in uu hoos u dhigo dhaqdhaqaaqyada uu ka wado gudaha dalka, iyaga oo ka cabsi qaba saamynta iyo awoodda sii kordhaysa ee uu Turkigu la soo baxayo.
Waddamada Khaliijka Carabta oo uu ugu horeeyo Imaraadka ayaa iyagana samayn xoog leh waxa ay ku leeyihiin gudaha Soomaliya, Imaaraadka waxa uu xiriir qota dheer la leeyahay qaar ka mid Maamul Goboleedyadda dalka, iyada oo mararka qaar saamayntiisa si taban looga dareemo siyaasadda, Abu Dhabi ayaa sidoo kale, dhaqaale farabadan ku bixisa sidii uu u sii haysan lahayd saamaynteeda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Dhanka kale dowladda Ruushka oo muddo uu burbursanaa xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya ayaa sheegtay in ay doonayso in ay soo celiso xiriirka diblomaaasiyeed ee ay la lahayd Soomaaliya, kadib markii wafdi ka socday dowladda Ruushka oo uu hogaaminayo Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweyne Putin ee Arrimaha Bariga Dhexe iyo Afrika, Mikhail L. Bogdanov uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Wakiilka gaarka ah ee Madaxwaynaha Ruushka Bogdanov ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay casuumaad rasmi ah oo uga timid Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, taas oo ku saabsan ka-qaybgalka Shirka soo socda ee Madaxda Ruushka iyo Ururka Jaamacadda Carabta.
Talaabadaan uu Ruushku qaaday ayaa laga dareemayaa sida uu u danaynayo in uu dib usoo celiyo saamayntiisa Geeska Africa iyo gaar ahaan Soomaaliya.
Wadamadaan intooda badan ayaa danaynaya in Soomaaliya ay joogitaan milateri ku yeeshaan iyaga oo qaarkood ay horay u waydiisteen Soomaaliya Saldhigyo milateri. Soomaaliya ayaa haddii ay si wanaagsan u maarayso waxay dhanka horumarka uga faa’idaysan karta danayntan saraysa ee uga imaanaysa dowladaha waawayn ee dunidda.
Waydiinta hortaala xafiiska Villa Somalia ayaa ah side Soomaaliya isugu keeni doonta dalalkaan danaha kala duwan ka leh, kuwaas oo xiriirka dhexdooda aan wanaagsanayn, midkasta uu dano gaar ah ka dhex arkaya Soomaaliya