Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Wakiilo Ka Socda Beesha Caalamka Iyo Waxayaabaha Ay Ka Wada Hadleen

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, Wafdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez.

Wafdiga ayaa waxaa sido kale kmaid ah Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo Wafaafinta, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa doonaya in Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland inay yimaadaan muqdisho si ay uga qeyb-galaan shirka wadatashiga doorashooyinka, waxaana wafdiga la filayaa inay tagaan Magaalada Kismaayo.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ka Qaylyay Ciidanka Liyuu Booliska Oo Dad Ka Qafaashay Gobolkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

” Saaxiibkayo Muuse Biixi Waxa Uu Noo Adeegsaday Xeerkii Bisadaha” Ex Wasiir Qabyo Tire

Bnnstaff Bnnstaff

La Taliyihii Hore Ee Madaxwayne Farmaajo Oo Sheegay In Alshabaab Hesho Lacag Dhan 180 Milyan Oo Dolar

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More