Borama News Network

Dowlada Kenya Oo Somaliya Ku Cadaadinaysa In Ay Itoobiya Siiso Bad Ay Ku Ganacsato Iyo Go’aanka Laga Filayo Xasan Sheekh Maxamuud

Wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegta in Madaxweynaha Kenya , William Ruto uu maanta la wadaagay Madaxweyne Xasan oo booqasho hal maalin ah ku tagay Nairobi hindise lagu soo afjarayo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu dhigaya qorshaha Kenya ay soo gudbisay in Itoobiya uga faa’iideysato hab-ganacsi oo la wada oggalyahay biyaha Soomaaliya , taa oo ka dhigan in Dawladda Federaalka Soomaaliya laga doonayo inay la fadhiisato Itoobiya si ay u gaaraan heshiis meesha ka saaraya khilaafka, una oggalaanaya Addis Ababa inay uga faa’iideysato si xasilloon oo nabdoon badda Soomaaliya, iyadoo ilaalinaysa madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Kenya ayaa caddeysay inay qorshahan kala tashatay Jabuuti iyo waddamada IGAD, sida u Reuters u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, Korir Sing’oei oo intaa ku daray haddii qorshahan ay aqbasho Soomaaliya inay Itoobiya helayso helitaanka kheyraadka badda oo xasilloon , si ay ganacsigeeda u fuliso si aan caqabad lahayn.

Ruto, ayaa sidoo kale ka dalbaday labada hoggaamiye , Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Abiy inay yeeshaan kulan fool-ka-fool ah.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xili  dawladda faderaalka Soomaliya ay caydhisay safiirkii Itoobiya ee Xamar isla markaana ay ku baaqday in la xidho qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay Magaalooyinka Garoowe iyo Hargaysa.

Related posts

“Hadii Uu Muuse Biixi Doorasho Qaban Waayo Waxay Noqonaysaa In Isaga La Waayo Ama Somaliland Ayaa La Waayi” Cali Guray

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Hore Daahir Rayaale Oo Maanta Soo Dhawayn Balaadhan Loogu Sameeyay Dila Iyo Duleedka Borama

Abdiaziz Bnnstaff

Tirada Shacabka Qaza Ee Ay Laysay Yuhuudo Oo Madaxa La Galay 30 Kun Oo Qof

Abdiaziz Bnnstaff