Is-afgarad hor-dhac ah ayaa laga gaaray waan-wantii laga dhex-waday Xukkumadda iyo Midowga Musharixiinta, waxaana la sheegay in guul laga gaaray wadahadalada u socday labada dhinac ee la doonayay in la isugu soodhaweeyo.
Warar hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in kulan qado ah ay Hotelka Decale ku yeelan doonaan Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Egada waan-waanta waday ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble hor dhigen seddex qodob, kuwaasi oo la sheegay in qaar ka mid ah uu aqbalay, halka qodobada qaarn aaan ilaa hadda la isku fahmin.
Qodobada sida weyn la isugu hayay ayaa waxaa ay kala yihiin:
1- in la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo
2- in bannaan baxa la ogolaado
3- in shirarka wadatashiga Qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta.
Wararka ayaa sheegaya in saddexda qodob labo ka mid ah uu aqbalay Ra’iisul Wasaaraha, inkastoo aan qodobka kale la isku afgaran wali, kaasi oo la sheegayo in uu ku xiran yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com