Borama News Network

Maxkamada ICJ Oo Go’aan Ka Soo Saaray Dacwadii Ka Dhanka Ahayd Israel

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa hadda amar ku bixisay in Israa’iil ay qaado tallaabooyin degdeg ah oo isku xigxiga oo waxloo qabanayo xaalada Gaza , laakiin maxkamada ma dalban xabbad joojin.

Tallaabooyinkan ayaa Israa’iil loogu sheegay in ay samayso wax kasta oo ay awoodo si ay u joojiso xasuuqa halkaas ka socda, isla markaana ay si degdeg ah u suurtogeliso in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dhulka Gaza iyo in laga hortago oo la ciqaabo kuwa hurinaya xasuuqa iyo colaadda.

Dhageysiga dacwadda ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague ayaa qeyb ka ah dacwad ay soo gudbisay Koonfur Afrika oo ay ku eedeysay Israa’iil in ay xasuuq u geysatay Falastiiniyiinta.

Israa’iil ayaa si adag u diiday eedeynta, waxaana loo malaynayaa inay iska dhega tirtay awaamiirta garsoorayaasha, kuwaas oo aan haysan hab ay ku fuliyaan go’aankooda.

Garsooraha maxkamadda, Joan Donoghue, ayaa ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo la haystayaashii ay Xamaas qafaasheen bishii Oktoobar.

Related posts

“Dawladda Taagta Daran Ee Wasiiradeedu Badaha Iibiyaan Ee Somaliya” Wasiir Buuni Oo U Jawaabay Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo Kansar ku dhacay & Joe Biden oo muddo ku qaadatay in xogtiisa uu helo.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo.

Abdiaziz Bnnstaff