Borama News Network

Soomaaliya Iyo Hindiya oo kawada hadlay fududaynta Dalka ku galka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Xoghayaha Wadaagga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Hindiya Dr Sureh Kumar ayaa kawada hadlay fududaynta Dal ku galka Dalkaas.

Fiqi & Kumar ayaa diiradda saaray xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya si gaar ah fududaynta adeegyada Soomaalida ugu baahan tahay Dalkaas sida Caafimaadka & Waxbarashada kana shaqeeyaan labada Dowladood.

Qoraal kooban oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kasoo saartay kulankaan waxa ay ku sheegtay in kulankaan diiradda la saaray sidii labada dhinac ay u xoojin lahaayeen waxyaabihii ay kawada hadleen.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin oo arrimahan il gaar ah ku eegaya ayaa  ku taliyey in adeegga visaha loosoo dhoweeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caafimaadka iyo waxbarashada dalkaas u aada, loona keeno magaalada qunsuliyad ay ka dalbadaan visaha” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa sii kordhayay kulamada ay yeelanayaan mas’uuliyiin katirsan Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, waxyaabaha ugu badan ay kawada hadleen waxaa kamid ah Xoojinta xiriirka labada dhinac, iskaashiga dhinaca badda & fududaynta Dal ku galka (Visaha)

Related posts

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Ku Dhawaaqay In Ay Awood U Leeyihiin Qaadiska Weeraro Culus Oo Ay Ku Burburiyaan Maraakiibta Waawayn

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaalyahanada Qazaam Ee Reer Falastiin Oo Soo Bandhigay Muuqaali Cusub Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Dagaalka Gaza

mustafeamiin