Borama News Network

Faahfaahinta markab ku holcaya baddacas oo xalay weerar lagu qaaday

Markab nooca shidaalka qaada ah ayaa ku gubanaya gacanka Cadmeed, sida ay sheegtay shirkadda gacanta ku haysa, kadib markii Xuutiyiinta ay sheegeen in ay gantaal ku dhufteen.

Dhaqdhaqaaqa Xutiyiinta ayaa sheegay in uu beegsaday markabka Marlin Luanda fiidnimadii Jimcaha.

Mid ka mid ah hawl-wadeenka markabka oo la yirahdo Trafigura ayaa BBC-da u sheegay in gantaalku uu sababay in dab ka dhasho mid ka mid ah haamaha xamuulka ee markabka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa warbaahinta bah-wadaagta ay BBC-da yihiin ee CBS u sheegay in markabka uu haleelay gantaal kuwa ballistic-ga ah. Markab ay leeyihiin ciidamada badda Mareykankana ayaa la sheegay in ay usoo gurmaday markabka la weeraray.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin wax dhaawac ah oo la soo weriyay.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee ay xuutiyiinta ku qaadaan maraakiibta ganacsi ee maraya badda cas iyo agagaarkeeda.

Hawlgalka ganacsiga badda ee UK (UKMTO) ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay meel 60 mile koonfur-bari kaga beegan magaalada Cadan.

UKMTO waxay sheegtay in halkaas ay ku sugan yihiin maraakiib dagaal oo taageeraya kuwa ganacsiga, iyadoo intaas ku dartay in dhammaan shaqaalihii markabka la sheegay inay bad qabaan.

Waxay uga digtay maraakiibta kale inay si taxaddar leh uga gudbaan aagga oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

Trafigura ayaa xaqiijiyay in markabka la duqeeyay, islamarkaana maraakiib ciidan ay dhankaas u socdaaleen si ay u caawiyaan markabka.

“Qalabka dab-damiska ee markabka ayaa la geynayay dhanka haanta uu gantaalka haleeyay si loo xakameeyo dabka,” ayuu yiri Trafigura.

Badqabka shaqaalaha markabka ayaa ah mudnaantayada koowaad, waan la xiriirnaa markabka, waxaana si taxadar leh ula soconaa xaalada.” ayuu intaas sii raaciyay Trafigura.

Markabkan shidaalka qaada ayaa waxa ka dul-babanaya calanka jasiiradaha Marshall.

Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta Yaha Sarea ayaa sheegay in kooxdu ay adeegsatay “tiro gantaalo ah oo dhanka badda ah oo ku haboon” weerarka Jimcihiina uu ahaa mid “toos ah”.

Gelinkii hore ee Jimcihii ayay UKMTO sheegtay in laba gantaal ay ku dhaceen biyaha meel u dhow markab marayay koonfurta-galbeed ee Cadan.

Tan iyo bishii November, Xuuthiyiinta oo ay Iran taageerto ayaa tobanaan weerar ku qaaday maraakiibta ganacsiga ee ku safraya badda cas, oo ah mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan caalamka, iyagoo garab siinaya Falastiiniyiinta ku sugan Gaza, halkaasoo Israel ay kula dagaalamayso Xamaas.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa qaaday duqeymo dhanka cirka ah oo ay ku beegsanayaan kooxdan, iyagoo ka jawaabaya weeraradooda, taasoo keentay in Xuutiyiinta ay ka digaan inay kordhiyaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta.

Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa sidoo kale kooxdan oo ay taageerto Iran la bartilmaameedsanaya cunaqabatayn si ay u jaraan ilahooda dhaqaale.

Related posts

Maxaan ka ognahay heshiiska qarsoon ee Xamaas iyo Israa’iil ee ay dhexdhexaadinayaan Qatar, Maraykanka iyo Masar

Abdiaziz Bnnstaff

Cajiiib! Gabadh Uu Dhalay Madaxwayne Dal African Ah Oo Ilaahay Ka Baryayasa Nin Ay Nolosha La Wadaagta

Abdiaziz Bnnstaff

Dad Ku Dhintay Dagaal Addis Ababa Ku Dhex Maray Booliska Iyo Xubno Ka Tirsan Jabhadda Fano

Abdiaziz Bnnstaff