Borama News Network

Donald Trump Oo Malaayiin Doolar Oo Xaal Iyo Xumayn Ah Looga Qaaday Gabadh Uu Fara Xumeeyay

Xeerbeegtida New York ayaa go’aamiyay in Donald Trump uu bixiyo $83.3 milyan oo doolar, taas oo magdhow u ah weriye E Jean Carroll oo uu aflagaadeeyay wariye sanadkii 2019 intii uu ahaa madaxweynaha Mareykanka.

Ciqaabta maxkamada madaniga ah ayaa ka kooban $18.3m iyo magdhawga ah iyo $65m oo xaal marin ah.

Trump ayaa kiis hore oo madani ah lagu helay inuu sumcad dil u geystay haweenaydan oo uu fara xumeeyay 1990-meeyadii.

Waxa uu wacad ku maray in uu racfaan ka qaadan doono xukunkii ugu dambeeyay, isaga oo kiiska ku tilmaamay mid ugaadhsi ah, xukunkana waxa uu ku tilmaamay mid lagu qoslo.

Related posts

Afhayeenka Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Dhalinyaro Lagu Xidhxidhay Magaalada Borama Iyo Cabudhinta Warbaahinta Lagu Hayo

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Wadani Iyo Xasan Sheekhba Waxay Rabaan In Aan Somaliland La Ictiraafin” Wasiir Buuni

Abdiaziz Bnnstaff

Wixii Berbera Ka Dhacay Waxay Ahaayeen Sharci Daro ” Gudigii Baadhitaanka Ee Xidhiidhka Gubada Cagta Oo War Culus Soo Saaray

Abdiaziz Bnnstaff