Borama News Network

Ciidamada Yahuuda Oo Caruur Ku Laayay Magaalada Rafax Ee Dalka Falastiin

Ciidamada Yuhuudda ayaa si bareer ah u toogtay carruur ku sugan Magaalada Rafax kuwaas oo u geeriyooday dhaawaca halista ah ee kasoo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka Israaiil sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin iyo ilo kala duwan oo Warbaahinta la hadlay.

Askarta Israaiil ayaa rasaas dhinac weliba u ridaya maadaama cabsi xooggan ay kala kulmeen kooxaha wax iska caabbin ee dagaalka kala hortagay ciidamadaan damacsan in ay isku fidiyaan dhulka falastiin balse ay ka dhiidhiyeen damacaas.
Ehelka Carruurta la toogtay ayaa sheegay in ciidamada Yuhuudda ay kordhiyeen beegsiga Dadka rayidka ah ee ku sugan Rafax kuwaas oo jooga goobtii ugu dambaysay oo ay u arkayeen in ay uga badbaadayaan weerarrada ciidamada Israaiil.

Duqaymo is daba-joog ah oo qaarkood Israaiil ay u adeegsanayso diyaaro iyo gantaallo culus ayay ku garaaceen qaybo kala duwan oo katirsan Magaalooyinka Falastiiniyiinta iyada oo Xukuumadda Tel Aviv ay damacsan tahay in ay isaga dulqaaddo culayska saaran.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa Israaiil ku eedeeyay in ciidamadooda ay wadaan gumaad aanay u kala soocin Dadka birimagayda ah maadaama ay dileen in ka badan 10 kun oo carruur laga soo billaabo 7dii Oktoobar 2023.

Related posts

Dhalinyaradii Gobolka Awdal Oo U Dhaqaaqayn Dhanka Dalxiiska Iyo Jasiiradaha Xeebta Saylac Ku Teedsan

Abdiaziz Bnnstaff

Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ee Gobolka Awdal Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Siyaasi Cabdiwaab Unity Fariina U Diray Bulshada

Abdiaziz Bnnstaff

Taliska Booliska Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Hawlaha Shaqo Ee Booliska Somaliland Fariina U Diray Shacabka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff