Borama News Network

Maraykanka Oo Sheegay in Uu Qabtay Xubin Katirsan ‘AS’ Oo Tahriib Ku Galay Dalkaas.

Waaxda Socdaalka & dhaqangelinta Canshuuraha ee Dalka Maraykanka ayaa faah-faahin ka bixisay natiijada kasoo baxday howlgallo ka dhan ah Dad ku eedeysan dambiyo kala duwan sida Dilal, Kufsi iyo ka mid ahaanshiyaha waxa loogu yeeray ‘Argagixisada’.

Maraykanku ma shaacin Magaca, Xogta, Sawirka & shaqooyinkii uu kasoo qabtay ‘AS’ qofkaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada gaarka ah balse waxaa xogtaan lagu muujiyay in uu dalkaas galay Maarso 2023 kana tallaabay Xadka San Ysidro ee Gobolka California.
Da’da qofkaan la qabtay ayaa lagu sheegay 27 sano waxaana lagu hayaa mid kamid ah xarumaha lagu hayo Dadka gala dambiyada kala duwan oo ay soo qabtaan ciidamada ammaanka Dalkaas gaar ahaan waaxda socdaalka & dhaqangelinta canshuuraha.

Qabashada Qofkaan lagu sheegay in uu katirsanaa ‘AS’ ayaa timid kaddib markii la sameeyay howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Dadka dambiyada galay ee jooga Maraykanka waxaana gacanta lagu dhigay 171 ruux oo 103 kamid ah dambiyo lagu helay sida Dilal, Kufsiga Carruurta & xubintaan la sheegay in uu katirsanaa ‘AS’.

Warbaahinta Maraykanka ayaa aad u hadal-haysa maadaama ku dhowaad sanad uu qofkaan joogay Dalkaas iyada oo aanay laga war qabin in uu katirsanaa ‘AS’ waxa ay taasi toosh ku ifisay Dadkii darbiga ka booday ee Waddankaan galay oo suuragal ah in baaris iyo dabagal lagu samayn doonno.

Ku simaha agaasimaha ahna ku xigeenka Haya’dda Socdaalka iyo Dhaqangalinta Canshuuraha Maraykanka ee ‘ICE’, Patrick J. Lechleitney ayaa sheegay in howlgalladu ay sii soconayaan ilaa inta gacanta loogu dhigayo Dad uu ku sheegay in ay dambiileyaal yihiin.

“Waxaan rabaa inaan amaano shaqaalaheena sababtoo ah isla markii aan ogaanay taas – 48 saacadood gudahood – waa la qabtay, wuxuuna hadda ku jiraa xabsiga ICE, Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay natiijo cajiib ah – marag u ah sida xirfada leh ,daacadda ah, iyo kartida shaqaalaheena” Ayuu yiri Patrick.

Ajaanib Soomaali ay qayb ka tahay ayaa ka gudbay xadka Maraykanka uu la wadaago Dalka Maksigo, qaarkood waxaa u suuragashay in ay gudaha dalkaas galaan halka qaar kale ay weli ku xayiran yihiin soohdinta iyaga oo rajaynaya in mar uun ay rumeeyaan rajadooda.

Related posts

Ku Dhawaad 20 Qof Oo Ku Dhintay Duqayn Ka Dhacday Duleedka Degmada Afgooye

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Xeerkii Doorashooyinka Ee Madaxwayne Muuse Biixi Dib Ugu Celiyay Golaha Guurtida

Abdiaziz Bnnstaff

“Cabdiraxmaan Cirro Tareenka Rakaabuu Ka Yahay Ee Xasan Sheekh Ayaa Wada..” Wasiir Cabdinaasir Buuni

Abdiaziz Bnnstaff